|

Wasiirka Dibu dejinta oo Kormeer ku Soo Maray Xaafada Masalaha ee Caasimada Hargaysa

Hargaysa 21.Dec 2013  (SDN)-Wasiirka wasaaradda Dib u dejinta ee JSL Md maxamed Cabdi kaahin ayaa maanta kormeer hawleed ku soo maray  xaafadda massalaha ee caasimadda Somaliland oo uu ka socdo mashruuc dhisme oo balaadhan oo  guryo ay degaan loogu dhisayey 350 qoys oo ka mid ah barakacayaasha Somaliland ee deganaa qaybo ka mid ah magaalada hargaysa

wasiirka dibu dejinta ee danbeWasiirka waxaa kormeerkiisa ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Md Maxamed Jibriil Yoonis  iyo agaasimaha waaxada barakacayaasha iyo dib u dejinta Md Yuusuf Cali, iyadoo mashruucaasi qayb ka yahay barnaamijyada horumarineed ee xukuumadda Somaliland oo kaashanaysa hay’adaha caalamiga ahi ay ka waddo dalka.

Dadka barakacayaasha ah ee loo dhisayo dhismayaashan gaadhaya 350 guri ayaa waxa ay ku jireen xaafadaha Stadium-ka, agagaarka xarunta agoomaha, iyo schoolaad-ka kala ah Alif-Doon, Riis School, Aljaziira School, Jidka 150-ka iyo shabeelka oo ah xarunta tababarada wasaaradda Biyaha.

Agaasimaha guud oo saxaafadda kula hadlay goobaha laga dhisayo dhismayaashaasi ayaa waxa uu sheegay in mashruucani calaamad u yahay sida ay xukuumadda Somaliland ugu heellan tahay in dadka barakacayaasha ah loo sameeyo hoy ay ku negaadaan kaasoo hadda laga wado caasimadda , sanadka soo socdana loo gudbi doono barakacayaasha ku sugan gobolada Sool, sanaag iyo Awdal.

Dhankiisana maxamed Cali hayste oo ka socday shirkadda wadaniga ah ee dhinaca dhismaha ee AMAL oo iyadu gacanta ku haysa dhamaystirka mashruucaasi ayaa sheegay inay shirkadoodu ku dadaalayso inay u dhisto dadkaasi guryo ay ka helayaan dhamaan adeegyadii looga baahnaa dhismayaasha qoys ku noolaanayo.

Hargaysa SDN

Qurbejoog.com

Comments are closed