|

Japan oo maalgelin ay ciidamadooda ku sameysay China ka careysiisay

Tokiyo Dec 21,2013(SDN)-Dawlada dalka Japan ayaa horaantii todobaadkan ku dhawaaqday dib habeyn ay ku sameyneyso ciidamada qalabka sida ee dalkaasi leeyahay dhawrka sano ee soo socda.

Qalabka ciidan ee ay dawlada Japan iibsaneyso ayaa ka koobnaan doonaa duyuuradaha aaney cidi wadin,gawaarida dagaal ee badda iyo qalab kale oo casri ah.

Qalabeynta ciidamada Japan ayaa qaadan doonta shanta sano ee soo socota waxaana ku bixi doona aduun dhan $232bn, £142bn.

Dalka China oo dhawaan shaaciyay in uu maamuli doono badda u dhexeysa iyaga iyo Japan ayaa dhaleeceeyay qorshaha dib u habeynta ciidan ee Japan.

China ayaa sheegtay in tilaabada dawlada Japan qaaday ay xiisad ka abuuri kareyso gobolka.

Halka Japana ay sheegtay in dayactirka ciidamdooda looga gol leeyahay sidii goblku u yeelan lahaa awood ciidan oo dheeli tiran.

SDN-Tokiyo
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed