|

Qoysas Qaxooti ah oo iskood isugu diiwaan geliyay in Soomaaliya lagu celiyo

Nairobi Dec 21,20139SDN)-Hay’ada QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa shaacisay in tiro ka mida Qoysaska Qaxotiga ku ah dalka Kenya ay isu diiwaan geliyeen in ay dalkoodii hooyo dib ugu soo noqdaan.

UNHCR,dawladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa hore ugu gaaray heshiis in fursad loo siiyo qoysaska Soomaalida ah ee Qaxootiga mudad dheer ku ahaa dalka Kenya ay dalkoodii dib ugu noqdaan.

UNHCR ayaa shaacisay in Qoysaska Soomaalida ah ee iskood isku diiwaangeliyay in tiradoodu tahay 78 qoys.

Sidoo kale waxa ay UNHCR sheegtay in Soomaalida dooneysa in ay dalkooda ku noqdaan ay dalbadeen in lagu celiyo degaanada hoostaga gobolada Gedo,Bay iyo Jubada Hoose.

Waxa iyaguna jira Soomaali ka kala timi degaano kale oo aan haatan suurtogal aheyn in ay ku noqdaan.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed