|

Ra’isal Wasaaraha Cusub Ee Somalia Oo Maanta Baarlamaanka Hortegi Doona iyo Dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee Xildhibaanadu wadeen

Muqdisho:21-Dec-2013(SDN)-Waxa Lagu Wadaa In Maanta Oo Sabti ah uu Ra’iisal wasaaraha cusub ee la magacaabay, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed uu Baarlamaanka hortago si codka Kalsoonida ah loo siiyo.

Cabdi-Weli-Sheekh-Axmed1Ilaa xalay waxa Magaalada Muqdisho gaar ahaa goobaha Huteelada ah ee Xildhibaanadu ku kulmaana laga Dareemayey Dhaqdhaqaaqyo Xooggan oo loogu diyaargaroobayo sidii Loo Ansaxin lahaa Ra’isal wasaaraha uu madaxweynuhu dhawaan magacaabay.

Ammaanka magaalada ayaa la adkeeyay, waxaana la xidhay wadadda ag marta xarunta golaha shacabka.

Raysal wasaare Cabdiweli ayaa lagu waday Arbacadii la soo dhaafay in uu baarlamaanka hortago balse arrintaas dib ayaa loo dhigay, kadibmarkii laga shakiyey  codad badan oo ka soo horjeeda, maadaama ay meesha joogaan xildhibaanadii ra’isal wasaare Saacid codka siiyey.

 

Ma cadda sida ay wax noqon doonaan, balse dad badan oo wax saadaliya waxa ay lee yihiin ra’sal wasaaraha cusub waxaa uu heli doonaa kalsoonida baarlamaanka.

Haddii uu ra’iisal wasaaraha cusub helo codka kalsoonida, waxaa laga sugayaa in soo magacaabo golaha wasiiradiisa, waxaana la is weydiinayaa tirada wasiirada iyo haddii ay ku jiraan wasiiradii horre ee ra’isal wasaarihii isaga ka horreeyey.

Saaka ma muuqato cudud xoogan oo ka soo hor jeedda ra’sal wasaarahan cusub, balse waxa hor taalla shaqo adag oo u baahan dedaal iyo Samir dheeraad ah si uu uga midho dhaliyo hammigiisa.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed