|

Taliska Ciidanka Booliska Oo Daaha Ka Qaaday Inay Hayaan Eedaysanaha Toogashadii Khamiistii Hargeysa Ka Dhacday

Hargeysa:21-Dec-2013(SDN)-Iyadoo ay wali dhegaha shacabka Reer Hargeysa kasii Guuxayso Toogashadii loo Geystay Madaxii Shaqaalaha Hay’dda Korontada Hargeysa, ayuu Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan uu sheegay inay Ciidanku Gacanta ku soo dhigeen ninkii  falkaas fuliyey.

fadalTaliye Fadal oo u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta dalka, ayaa sidoo kale ka warramayey sababaha keenay in toogashada iyo Dilalku ku soo bataan Somaliland Waayadan dambe xilli la filayey in Nabaddu dhidibaddda sii Adkaysato.

“Hawlgal balaadhan oo ciidanka boolisku qaadeen, Xalayto(Habeen hore) saacadu markay ahayd 7:40 ayaa la qabtey eedeysane Siciid Maxamed Jaamac oo toogtey Il-yaas Daa´uud oo laba xabadood ku dhuftay,kana mida shaqaalaha Warshada Laydhka.Dhaawicii Iliyaas Daa´uud waxa lagu daweynayaa Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, baadhistiina way socotaa oo sharciga ayaa la horgeynayaa”  ayuu yidhi cabdilaahi fadal.

Waxa kale, oo uu ka Hadlay Taliyuhu sababaha rasmiga ah eek or u qaada Dilalkan dhacaya, isagoo u nisbeeyey inaan xukuno hore la fulinin, waxana uu yidhi, ” inta Badan xukunka lama Fuliyo, Arrintaasi waa arrin u baahan in maxkamaddaha la weydiiyo, annaga (Ciidanka Booliska) marka uu naga dhamaado ee la dhageysto, wixii ka danbeeya waa in maxkamaddaha la weydiiyaa, mar haddii la xukumo qofka oo uu garsoorku dacwada qaado halkaas ayey nagaga eegtahay”

 

Ninkan taliyuhu sheegay inay gacanta ku hayaan ayaa maalintii shamiiskii badhtamaha magaalada Hargeysa ku toogtay Madaxii shaqaalaha Hay’adda Korontada oo haatan dhaawac culus qaba, iyadoo wali aan la aqoonsan sababta keentay in arrintu halkaas gaadho, waxase uu taliyuhu tilmaamay inay Baadhitaan ballaadhan wadaan haatan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed