Ra’iisul Wasaare Saacid oo ugu hambalyeeyay Booliska Soomaaliyeed munaasabadda sanadguuradooda 70-aad
Muqdisho, December 20, 2013(SDN)-Ra’iisul Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ugu hambalyeeyey ciidanka Booliska Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabada aas aaska ciidanka Booliska oo ku beegan maanta oo kale 1943, wuxuuna u rajeeyay caafimaad qab saraakiisha, saraakiil xigeenada, Alifley, Dabley iyo qoyaskoodaba.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan qaaliga ah ee munaasabadda ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu ugu baaqayo Boolisku inay laban laabaan waxqabadkooda, ayna feejignaadaan har iyo habeenba, si looga hortago dhagarta caddowga, loona baajiyo dhiiga shacabka oo ay kooxaha nabadiidku sida micno darida ah u daadinayaan.
“Boolisku waa halbowlaha nabadda iyo dhowrista sharciga, waxaana hambalyo leeyahay munaasabadooda 70 sano guurada ee ka soo wareegatay aas aaskooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan waxa uu baaq u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si loo helo nabad iyo xasilooni.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia