Ugaandha oo Dumarka laga mamnuucay dharka gaagaaban
Kampala Dec 20,2013(SDN)-Xildhibaanada dalka Ugaandha ayaa cod aqlebiyad ah ku ansixiyay sharci iska hortaagaya Dumarka dalkaasi in ay xirtaan dharka gaagaaban isla markaana xakamaneynayaa waxyaabaha anshax xumada horseeda.
Wasiirka anshaxa ee dalkaasi Simon Lokodo ayaa baarlamaanka u gudbiyay horaantii sanadkan sharci oranaya dumarka xirta dhar ka gaaban jilbahooda in xabsiga la dhigo.
Sharcigan xakameynaya anshax xumada ee ay mariyeen xildhibaanada Ugaandha ayaa dhaqan gelaya kolka uu madaxweynaha dalkaasi sexeexo.
Sharciga ayaa sidoo kale mamnuucay in la muujiyo qeybo ka mida jirka oo la sheegay in ay sababaan ama ay keeni karaan anshax xumo.
SDN-Kampala
contact@somalidiasporanews.com