Ciidamo dalka Africada dhexe kun ruux ku dilay laba maal mood gudahood
Bangui Dec 20,2013(SDN)-Hay’ada Amnesty International ayaa warbixin ay shaacisay ku sheegtay in denbiyo dagaal ay ka dhacayaan dalka Africada Dhexe oo ay bilihii u danbeeyay ka socdeen dagaalo sokeeye.
Ciidamo u badan Muslimiinta dalkaas oo la yiraahdo Seleka ayaa xilka ka tuuray dawladii uu hogaaminayay madaxweyne Francios Bozize oo u baxsaday dalka Cameron.
Xilka Madaxweynenimona waxa isu taagay Michel Djotodia oo ka mid ahaa madaxdii sare ee jabhada Seleka.
Madaxweynaha cusub ayaa kala diray intii badneyd meliishaadkii Muslimiinta u badnaa ee Seleka u badnaa balse la haray ilaa 15,000 oo ka mida oo tacadiyo u geystay masiixiyiinta ku badan caasimada.
Masiixiyiinta oo isdifaacayay ayaa rogaal celin ay sameeyeen ku xasuuqay muslimiin faro badan.
Ka dibna meliishaadka Seleka ayaa laba maalmood gudahood ku dilay ilaa 1,000 ruux oo u badan rag sida ay Amnesty sheegtay.
Amnesty ayaa qoraal ay soo saartay beesha caalamka ugu baaqday in dalka Afrikada dhexe la geeyo ciidamo nabad ilaalineed oo shicibka bedbaadiya.
Dalka Faransiiska iyo ciidamo kooban oo Africa ka socda ayaa haatan dalkaasi ku sugan,mana muuqato in ciidamadaasi ku filan yihiin in ay xasilooni dalkaasi ku soo celiyaan.
SDN-Bangui
contact@somalidiasporanews.com