|

War Deg Deg ah:Rag Hubaysan oo dhaawacyo Khatar ah Gaadhsiiyay Madaxii Shaqaalaha ee Shirkada Korontada ee Ilyaas ee Hargaysa

Hargeisa 19.Dec 2013 (SDN)-Maddaxii shaqaalah Hayada Korontada oo Lagu magacaabo Ilyaas Daa’uud Ibraahin, ayaa laba nin oo hubaysani dhaawac halis ah soo gaadhsiiyeen wakhti uu ku sii jeeday gurigiisa,Ragan Hubaysan oo Gaadhigiisa ku jaray baabuur ay wateen ayaa waxa Goobtaasi ku dhex maray is Af dhaaf Ay doonayeen Inuu ka soo dego ,Kadib markii uu u degay ayaa labadan nin oo ku hubaysan Baastoolado Laba xabo madaxa iyo afka kagag dhufteen isla markaan ka yaaceen baabuurkii ay wateen .

BAASTOOLADWarkan oo shabakada Qurbejoog.com ay u xaqiijiyeen shaqaalaha caafimad Ee Cisbitaalka Guud oo hada lagu daawayna ayaa sheegay inuu halis ku jiro dhaawiciisu isagoo laba xabadood lagag dhuftay madaxa iyo Afka isla markaan hada sida ay sheegayaan uu Halis yahay Dhaawaca Sarkaalkan oo ku jira Xaalad Miyir doorsoon ah amase Kooma .

Ciidamada booliska oo lagu wargaliyay inay soo qabtaan dambiilayaasha ayaa wali ku daba jira wallow baabuurkii ay wateen halkii kagag carareen lana hayo Ducumantyo Loo Raaci karo.

Shabakada Qurbejoog.com oo xidhiidho kala duwan la samaysay ciidamada Booliska iyo CID-da ayaanay u suuragalin inay ka hesho warfaahfaahsan iyagoo dhawr Sarkaal oo aanu la Xidhiidhnay ay ka gaabsadeen ka hadalka falkan Sababo ku wajahan daba gal amni oo Socda awgii .

Weerarada aan cida fulisay la  garanayn ayaa magaalada Hargeisa hada ku soo badanaya ,waxanay ahayd dhawaan markii gabadh ka mid ah dadka la haybsooco lagu dilay mel ayaan ka fogayn guriga ay deganayd ,halka hore ay u dhecen dhawr fal oo noocan oo kale ah .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed