Ra’iisul Wasaare Saacid oo Canbaareyey weerarkii lagu dilay Dhakaatiirta
Muqdisho, 19 December 2013(SDN)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Sirdoon ayaa canbaareeyey weerarkii maalintii shalay lagu dilay 3 dhakhaatiir Suuriyaan ah iyo muwaadin Soomaaliyeed, waxana uu weerarkaasi ku tilmaamay mid arxandarro ah oo ka horjeeda qiyamka iyo akhlaaqda diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
“ Weerarka noocan ah waxa uu baalmarsan yahay dhaqanka Soomaaliyeed iyo qiyamka diinta Islaamka, dilkan loo geystay dadka biri-ma-geydada ee aan waxba galabsan waxaan ku canbaaraynayaa ereyada ugu adag. Kooxihii ka dameeyey weerarkan kuma nabad gelayaan denbiga foosha xun ee ay geysteen, kamana baxsanayaan caddaaladda Soomaaliya. Kaddib 22 sano oo ay jirtay in aan denbiyada la isu raacan, maanta Qaranka Soomaaliya waxa u taagan yahay sugidda xuquuqda muwaadiniintiisa iyo dadka kale si loo qeexo hadafka mustqablka Soomaaliyada Cusub” sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ugu baaqay Hay’adaha Ammaanka Qaranka in ay weerarkan baaritaan buuxa ku sameeyaan, islamrkaasina caddaalada la horkeeno dhaqar-qabayaashii ka dameeyey.
Ugu damayntii waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu tacsi u diray qoysaskii dhakhaatiirta la dilay iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Suuriya, isagoo xusay in ay xanuunka iyo murugada la qaybsanayaan. Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa qiray dadaalkii dhakhaatiirta reer Suuriya , waxana uu tilmaamay in iyadoo dalkoodu marayo marxalad adag ay doonayeen in ay Soomaaliya ka dhigaan meel ay ka jirto rajo iyo adeeg caafimaad.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
DHAMAAD