Wasiirada Arrimaha Dibada Somalia oo u Kicitintay Konfurta Sudan kana Mid ah Gudi Xal u raadinta dagaalka ka Socda Dalkaasi
Muqdisho 19.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta oo Khamiis ah u duushay dalka Koonfur Sudan si ay uga mid noqoto koox urur goboleedka IGAD uu u xil saaray inay billowdo dadaallo lagu soo afjarayo dagaal dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ka socda dalka Koonfur Sudan.
Marwo Fowsiya ayaa qeyb ka ah shan wasiir arrimo dibadeed oo ka socda dalalka Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Jabuuti oo qeyb ka noqonaya hannaanka xalka loogu raadinayo dagaalka ka jira Koonfur Sudan oo abuuray cabsi ah in dagaal sokeeye uu mar kale ka qarxo dalka da’da yar.
Marwo Fowsiya oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ka hor inta aysan ambabaxin ayaa sheegtay in xiriirro ay sameeyeen ay ku ogaadeen jiritaanka Soomaali ay dhibaato ka soo gaartay rabshadaha Koonfur Sudan.
Dalka Koonfur Sudan waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya dowladda iyo koox ka soo hor jeedda. Dagaalka ayaa billowday Axaddii la soo dhaafay, wuxuuna galaaftay nolosha 500 oo qof.
Urur goboleedka IGAD ayaa horey door muhiim ah uga ciyaaray heshiiskii 2005 ee lagu soo af-jaray dagaalkii sokeeye ee muddada 20-ka sano Sudan kala dhaxeeyay koonfurta.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com