|

Kulan Cilmiyeedkii Heerka Tamarta Somaliland oo Maanta la soo Gabo Gabeeyay

Hargaysa 19.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada tamarta iyo macdanta jsl Md Xuseen Cabdi Ducaale ayaa maanta soo xidhay kulan  cilmiyeed lagu lafo gurayay  heerka tamarta dalka oo ay ku lamaanayd bandhig lagu soo bandhigayay adeegayada tamarta dabiciga ah ee dalka .

Wasiirka Macdanta iyo Khayraadka SaxKulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii dalka looga heli lahaa tamar jaban  iyo sidii loo badbaadin lahaa deegaanka dalka  ayaa waxa ka qeyb qaadanayay aqoonayahano iyo khuburo kala duwan oo ka kala yimi gobolada dalka  iyo masuuliyiin ka kala tirsan wasaaradaha tamarta iyo degaanka  ayaa waxa maanta si rasmiya looga soo saaray baaq ku wajahan horumarinta deegaanka iyo tamarta , waxaana ka mid ahaa qodobada lga soo saaray kulankaasi ,

1.   in boqolkiib sodon la dhimo mudo laba sano ah dhuxsha lag isticmaalo dalka taaso  hirgelinteeda loo xilsaaray wasaaradaha deegaanka iyo tamarta.

2.   in la horumariyo adeegsiga dabiiciga ah lana kordhiyo aqoonta la xidhiidha isticmaalka tamarahaasi kala duwan.

3.   in dib u eegis lagu sameeyo jihaynta tamarta somaliland  iyo sidii  nidaam loogu samayn lahaa aasaaska shirkadaha tamarta dhaliyo  si iyo sidii xooga loo saari lahaa ka faa iidaysiga  tamarta cusboonaata ee cadceeda iyo dabaysha .

Xidhitaankii kulankaasi waxa hadalo ka  soo jeediyay wasiirka wasaarada tamarta iyo macdanta eng xuseen cabdi ducaale iyo agaasimaha guud ee wasaaradaai md siciid axmed jibriil oo ka waramay ahmiyada tamartu ay u leedahay  horumarka dalka iyo sida loogu baahan yahay in bulshadu ay ku baraarugsanaato  isticmaalka iyo ka faaiideysiga tamaraha dabiiciga ah ee jaban taasoo dhaqaale iyo caafimaad ahaanba u fiican dalka iyo dadkaba ,

Waxana ay tilmaameen in xukuumadu ay xooga saarayso sidii laaga midho dhalin lahaa tamaraha dabiiciga ah ee ilaahay  ku manasatay dalkeena sida cadceeda dabaysha tamarta biyaha iyo badaha

Gabagbadii waxa halkaasi hadalo la xidhiidha  kulanka kazoo jeediyay agaasimaha waaxada tamarta ee wasaarada macdanta iyo tamarta , Sarkaal ka socday hayada UNDP IYO xubno ka tirsan ganacsatadii halkaasi kusoo bandhigay bandhigii tamarta dabiiciga ah .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed