Murashixiinta doorashada Punt land oo Isimada ugu baaqay inay soo faro geliyaan Khilaafka iyaga iyo Madaxweyne Faroole
Garowe 18.Dec 2013 (SDN)- Musharrixii
Cabdullaahi Siciid Samatar oo ah guddoomiyaha musharrixiinta xilka madaxweyne ee maamulka Puntland ayaa sheegay in ay doonayaan doorasho xalaal ah oo ka dhacda Puntland, sidaa darteedna ay ka codsanayaan arrintan in ay soo fara geliyaan isimada, si loo badbaadiyo buu yiri Puntland, doorashaduna ay u noqoto mid xalaal ah.
Musharrixiinta Puntland iyo madaxweynaha talada haya Cabdiraxmaan Faroole ayaa isku khilaafay guddiga xallinta khilaafaadka iyo soo xulista baarlamaanka Puntland.
Maxadweyne Faroole ayaa sheegay in uu ka biyo diidsan yahay qodob ka mid ah afar qodob oo ay soo hor dhigeen musharrixiinta u tartamaya xilka madaxtinnimo ee maamulka Puntland.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com