|

“Xukuumaddu way ku mergatay gudoomiyaha wakiilada” Mujaahid Cali Guray

Hargaysa 18.Dec 2013 (SDN)- Wakiiladii iyo madaxtooyadii waxa la leeyahay waa isku jiq odayaal guurtida ah oo saleebaan Gaal hor kacayo ayaa isku deyay in ay dhexdhexaadin ka galan wax xal ah oy ka gaadheena lama sheegin. Bal xalku ha dambeeyo eh bal marka hore ma la fahmi karaa yaa is haya maxaase la isku hayaa? Si aynu u hello jawaab sax ah waxa muhiim ah in aynu in yar dib u jaleecno xidhiidhka xukuumadda iyo wakiiladu sidii uu ahaa intii uu madaxwayne Silanyo xilka hayay iyo waxa iska bedelay mudooyinka dambe,Sidaa Waxaa Qoraal uu Soo saaray ku bilaabay Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mujaahid Cali Maxamed “Cali Guray”.

Marka aynu ka dhaqaaqayno natiijadii doorashadii wakiilada 2005tii UDUB oo helay tiradii ugu badnayd kuraasida aqalka Wakiiladdu wuxu helay 33 kursi halka labda xisbi ee Kulmiye iyo UCID oo markaa iyagu mucaaridka ahaa ay kala heleen 28 Kursi iyo 21 kursi siday u kala horeeyaan, taas oo wadar ahaan marka la isku daro mucaaridku uu ku guulaystay tirada badan ama aqlabiyadda kuraasta oo 49 kursi ay heleen. Labadii xisbi ee mucaaridku aqlabiyadii ay heleen waxay u suurto gelisay in ay wada qaataan Gudoomiyihii oo UCID ah iyo labadii ku gudoomiye ku xigeen oo Kulmiye ah. Mudadii u dhaxaysay labadii doorasho ee Wakiiladda iyo Madaxtooyada oo shan sanadood noqonaysay waxa is hayay Wakiilada oo mucaaridku hogaaminayay iyo xukuumadii Rayaale oo UDUB ahayd xisbegeeda na lagaga tiro badnaa aqalka wakiilada oo ahaa aqliyadda, in kasta oo hadana marka loo eego xisbi ahaan uu ku guulaystay tiradii ugu badnayd kuraasida aqalka wakiilada ee mucaaridku hogaaminayay.

Si kasta ba xaalku ha ahaado eh Kulmiye iyo UCID mudadii ay mucaaridka wada ahaayeen intii ugu badnayd waxay ahaayeen laba mucaarid oo wax badan ku kala duwaanaa oo aan odhan karo UCID wuxu ahaa mucaarid macquul ah halka Kulmiye na uu ahaa mucaarid mucangag ah. Labada xisbi mucaarid waxay bilaabeen in ay aad isugu soo dhawaadaan wax yar ka hor markii ay muddo xileedkii Rayaale oo ahayd shan sanadood ay dhamaatay. Muddo laba sanadood oo dheeraad muddo kordhina ahayd ay ugu dambaystii keentay in labada xisbi ay noqdaan front midaysan oo meel uga soo wada jeeda xukuumadii Rayaale iyo xisbigeedii UDUB kana go’an tahay in gar iyo gardaro ba ay dhulka soo dhigaan. Taas oo ugu dambaystii ay ku guulaysteen.

Ka dib markii madaxwayne Silanyo oo ahaa murashaxa Kulmiye uu tartankii doorashada madaxtooyada kaga adkaaday madaxwaynihii hore Mudane Dahir Riyaale Kaahin, Kulmiye iyo UCID labaduba waxay tirsadeen guul iyada oo guusha UCID tirsaday ay ahayd guul daradii Rayaale. Laakiin farxadii iyo rayrayntii mucaaridka guulaystay may sii waarin cimrigeedi na wuxu noqday kii waarigta markii uu madaxwayne Silanyo soo dhisay xukuumadiisii ugu horeysay ee la arkay in aan xaalku sidii la moodayay ahayn Kulmiye arag in xukuumadda odaygu dhisay ama loo soo dhisay aanay Kulmiye ahayn ama ugu yaraan aanay ahayn kulmiyihii ay filayeen, hadana markii uu Madaxwaynuhu wareejiyay xilkii xisbiga wuxu u wareejiyay si karkabad iyo hoo oo ku go’ ah. Gudoomiyahii xilka lagu wareejiyay oo isagu ahaa Gudoomiye ku xigeenkii 1aad si fiican umuu garan waxa lagu wareejiyay ee wuu la durduriyay uun. Runtii na magac mooyee wax lagu wareejiyay ba ma jirin mana ay ahayn wax u gooyn kara waxa uu filayay inay u goyn karto oo wuxu noqday nin dollar faalso ah shandad looga buuxiyay.halkaa laga bilaabo Kulmiye wuxu noqday laba Kulmiye oo kala ah Kulmiyaha xisbiga iyo Kulmiyaha xukuumadda taas oo labada dhinac ba markii hore aad mooday say inay ku qanceen, siiba hogaanka sare ee xisbiga oo u qaatay in iyaga la siiyay xisbigii manay qiyaasin in la is kaga daba iman doono goor ay noqoto ba. Ninkii hadhi waayay ee qaadan waayay sida wax la yidhi wuxu ahaa Cabdiraxmaan Cabdilqaadir wixii ka gaadhay na isaga sheekeyn mayno balse waxay noqotay deris-ISHA CALI NINKII DEYEY. DIGNIIN WAWGU FILAN TAHAY.

UCID, gaar ahaan gudoomiyuhu saluugii xukuumadda uu madaxwayne Siilanyo soo dhisay muu qarsan dhaliilaheeda na markii ba wuu bilaabay balse gudoomiye Cirro oo ahaa tiirka labaad ee UCID iyo gudoomiyaha wakiilada isagu kamuu waalin ee markii laba Kulmiye soo baxeen wuxu dhinaca saaray Kulmiyihii Xukuumadda isagoo aynu odhan karno wuxu si buuxda isugu dhiibay madaxtooyada oo looga qaatay inuu yahay shakhsi gacanta ugu jira laakiin waxa aanay is waydiin ilaa goorma? taas oo Cabdiraxmaan aan filayo ama aan mar dambe fahmay in isaga aanay ka qaldanayn ee uu markaa ba uu garanayay inta ay wada socon karaan iyo halka ay ku kala baydhi doonaan labada ba.

Makii uu soo shaac baxay khilaafkii gudaha ee UCID xukuumadda oo u arkay say shiddada keliya ee haysatay inay ahayd Gudoomiyaha UCID waxay kaalin firfircoon kaga jirtay khilaafka UCID si ay uga takhalusto gudoomiye nimada Faysal ilaa iyo xad ay ku dhawaatay inay uga faro maroojiso. Markii ay u socon wayday waxa khasab noqotay in UCID uu u kala jabo Xisbi iyo Urur siyaasadeed la magac baxay WADDANI oo uu gudoomiye ka yahay Gudoomiyiha Wakiiladu. Ilaa doorashadii golayaasha degaanka oo UCID iyo WADDANI ba ay xisbiyo qaran u soo gudbayeen xukuumaddu mar keliya may dhimin dagaalka ay kula jirtay UCID. Muran badan iyo dacwadihii UCID ee ku saabsanaa xubinnimada golaha ee gudoomiyaha iyo xataa isku haysiga labada xil gudoomiyaha wakiilada iyo gudoomiyaha WADDANI wixii UCID uu dagaal ka galay oo dhan madaxtooyada ayaa daadifay say oo si buuxda u taageer sanayd inu labada xilba isku hayn karo. Mudadii dagaal kaasi socday oo dhan xukuumadda iyo Wakiiladu waxay gaadheen heer ay si buuxda isugu milmeen oo la kala garan karin kee baa kee ah.

Hadaba hadii xaalku sidaa ahaa Gudoomiye Cirro iyo madaxtooyadu na ay ahaayeen kuwo bogooda burcad la isu mariyay goormay arlo dhimatay, halkey wax iska bedeleen sidey se isu bedeleen?
Markii ay soo baxday natiijadii doorashadii golayaasha degaanku ee UCID hareeraha eegay wuxu markii ba is dhacsiiyay inuu la soo baxay laba xisbi oo muxaafid ah oo is jiidayay xiligii doorashada hadda na isla helay oo isku darsaday xukuumadii iyo baarlamankii markaa isagu uu noqonayo Xisbiga keliya ee mucaaridka ah si uu wax isaga caabiyo na waa inuu cidiyo ku dagaalan noqdaa. Ama ha karo ama yaanu karin eh sidaa ayuu xaalkiisu ahaa. Hadii wadani Kulmiyahii xukuumadda dhinaca saaray way jireen shakhsi yaad u arkayay in UCID na laba belaayo markay u noqoto ay ta Kulmiyaha Xisbigu uga sahlan tahay belaayada Kulmiyaha xukuumadda iyo WADDANIGA is saarka ah ee sidii ilkaha abeesada hoosta isaga daloola een xisbi iyo xukuumad si ay kala yihiin la kala garan karin. Hase ahaato eh marka laga tago siyaasadda qunyar socodka iyo diblomassiyadda gudoomiye Cirro taageero yaasha WADDANI umay cuntami karayn in xisbigoodu ku suntamo ama la kala garan kari waayo muxaafid iyo mucaarid mid uu yahay gudoomiyahooda na cadaadis joogto ah ayaa ka haysatay dhinacaa. Masuuliyiin badan oo WADDANI iyo UCID ba leh ayaa iyagu na arkayay baahida iyo lagama maarmaan nimada isu soo dhawaynta labada xisbi ee UCID iyo WADDANI, taas oo si hoos hoos ah intii muddo ahayd ba loo waday iyadoo kuwa runtii wax tabanayay ee la qancinayay ay UCID ahaayeen balse WADDANI ilaa iyo intii ay xisbinimada u soo gudbeen aan wanaag mooyee wax xumaan ah oo sii kala fogayn kara iyaga iyo UCID aan dhinacooda ka iman, taas oo iyana sii xoojisay isu soo dhawaanshaha labada xisbi ee mucaaridka ah. Isu soo dhawaanshaha mucaaridka oo sii xoogaysatay ka dib ku dhawaaqistii golaha wada tashiga ayaa iyadu na waxay soo dedejisay heshiiskii dhex maray labada xisbi ee mucaaridka ah oo ahaa mid si buuxda u soo af jaray khilaafkii ka dhex jiray UCID iyo WADDANI. Ku dhawaaqidii golaha wada tashiga iyo heshiiska labada xisbi ayaa noqday laba ama sedex waran oo mar ku wada dhacay xukuumadda Madaxwayne Axmed Silanyo. Xukuumadda ama aan idhaahdo madaxtooyada oo aragtay mucaaridka sidii iliilado biyo ah isku soo dardarsamaya baqe na ka qabta in ay noqon karaan doox wayn oo qaadi kara ayaa dagaal aan maanku dirir ahayn ee waali duul ah mar ku wada bilawday Golihii Wada Tashiga iyo labadii xisbi ee mucaaridka ahaa.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed