Hoggaamiyihii Hore Ee Awdal State Oo Lagu Wado Maanta Inuu Borama Gaadho Iyo Soo Dhaweyn Xukuumaddu Riixayso Oo Loo Diyaariyey
Borama:18-Dec-2013(SDN)-Waxa Maanta la filayaa inuu Borama Gaadho Madaxweynihii Hore ee Maamulka Dibad-wareegga ah ee Awdal State Rashiid Aw Nuur, iyadoo halkaasna xukuumaddu si weyn iskaga xil saartay inuu soo dhaweyn ballaadhan ka helo.
Rashiid Aw Nuur oo in Muddo ah ku sugnaa Magaalada Hargeysa, isla-markaana Heshiis aan la faahfaahin la galay xukuumadda Somaliland, ayaa doonaya inuu gaadho Magaaladii uu ku dhashay ee Borama oo uu muddo dheer kaga maqnaa mabda’ii baydhsanaa ee uu aaminsanaa, waxana ay xukuumaddu kharash badan gelisay soo dhaweyn ballaadhan oo uu helo, lamase hubo inuu taas heli doono, maadaama shacabka halkaas ku dhaqani aanay la dhacsanayn siyaasadaha xukuumadda Siilaanyo.
Dhaqdhaqaaqa ay xukuumaddu ugu gogol xaadhayso soo dhaweynta rashiid Aw Nuur ayey ka Bilowday dhinaca madax-dhaqameedka, waxana habeenadanba warbaahinta ka buuxay salaadiin ku baaqayey in la soo dhaweeyo Rashiid Aw Nuur, waxana laga dareemayaa magaalada Borama soo dhaweyntiisa, iyadoo la sheegayo in sawirradiisa meelo badan oo magaalada ah la sudhay, isla-markaana ilaa shalay qaar ka mid ah taageerayaashiisa, ayaa sameecado dadka loogu sheegayo soo dhaweynta Rashiid magaalada kula dhex wareegayey.
Rashiid aw Nuur ayaa bilowgii bishan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo la galay heshiis aan caddayn oo uu madaxweynuhu u wakiishay laba wiil oo uu adeer u yahay, waxana taas ka biyo diiday shacab badan oo reer Awdal ah, kuwaas oo u arka Rashiid nin meel hoose is geeyey oo aan Tanaasulka Mabda’iisa wax Gorgortan ah gelinin.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com