Shacabka Laga Tirada Badan Yahay Ee ku Dhaqan Degmo Ka Mid ah Hargeysa Oo Cabasho Weyn Ka Muujiyey Tacaddi ay u Geysteen Ciidanka Ammaanku
Hargeysa:18-Dec-2013(SDN)-Dadka laga Tirada Badan yahay ee Ku Nool Xaafadda Daami oo Ku Taalla Magaalada Hargeysa, ayaa cabsho xooggan ka muujiyey Tacaddiyo ay sheegeen in ciidanku si gaar ah ugu geysteen.
Shacabkan oo si Gooni gooni ah ula hadlay warbaahinta Somaliland, ayaa dhaliilo kulul u jeediyey Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland, iyagoo sheegay in ciidanku si gaar ah ugu tacadiyey Maatidooda iyo Carruurtooda markii dhawaan rabshaduhu ka dhaceen xaafadda ay deggen yihiin ee Daammi.
Muuse jaamac oo ka mid ah dadka laga tirada Badan yahay ee Ku Nool xaafadda Daami oo warbaahinta la hadlay, ayaa yidhi, “ Ciidanka ammaanka Somaliland, waxanu ka Tirsanaynaa Dhibaato iyo Tacaddi badan, waxana ay six un oo cadawtinimo ah ula dhaqmeen ubadkii yar yaraa iyo Maatidii aanu guryaha kaga tagnay ee aanu masuulka ka ahayn, waxana ay annaga noola dhaqmeen si gaar ah il gaar ahna waa ay nagu eegeen, taana waxanu uga ashkatoonaynaa Beesha caalamka ee xuquuqal insaanka u doodda.”
Ciidanka booliska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee RRU-da loo yaqaano ayaa dhawaan xaafaddaas galay, kadib markii uu rabash xoogani halkaas ku dhex maray Dadka laga Tirada badan yahay ee halkaas deggen iyo shacab kale oo la deggen, iyadoo halkaas dhawaan ay haweenay ku dhimatay sababta dhimashadeedana loo aaneeyey wiil ka tirsan dadka la deggen kuwa laga tirada badan yahay.
S.D.N