Midawga Yurub oo sheegay in ciidamada Soomaaliya dalkooda lagu tababari doonoo
Nairobi Dec 18,2013(SDN)-Midawga Yurub ayaa sheegay in tababarada ciidamada Soomaalida laga soo wareejin doono dalka Ugandha loona warejin doono guddaha dalka Soomaaliya.
Mashuurca tabarada Soomaalida ee midawga Yurub maal geliso oo magaciisa loo soo gaabiyo (EUTM Somalia) ayaa la hirgeliyay horaantii sanadii 2010kii oo ilaa haatana ay ka qalin jebiyeen ciidamo tiradoodu gaareyso 3,600 oo askeri.
Midawga Yurub ayaa goaankan ciidamada Soomaaliya dalkooda lagu tababrayo sheegay in la bilaabi doono horaanta sanada 20014ka.
Midawga Yurub ayaa hogaaminta mashruuca tababrada ciidamada Soomaaliya u magacwday Brigadier General Massimo Mingiardi oo Talyaaniga u dhashay.
Sidoo kale mashruuca EUTM ee tababrada ayaa la kordhiyay mudada uu soconayo waxaanu ku ekaan doonaa sanada 20015ka.
Tababrada ayay EU -du sheegtay in looga gol leeyahay sidii meliishaadka kala socda ee Soomaaliya looga dhigi lahaa ciidamo qaran oo hogaan wadaaga.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com