|

Xoghayihii hore ee ururka Suxuufiyiinta Soomaaliyeed Cumar Faaruuq oo Adis ku xiran bishii labaad

Adis Ababa Dec 18,2013(SDN)-Xoghayihii hore ee ururka Midawga Suxuufiyiinta Soomalaiyeed Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa la xaqiijiyay in uu Adis Ababa ku xirian yahay bishii labaad ka dib kolkii ay ganacsato Itoobiyaan ahi qaan ku sheegteen.

Ciidamada amaanka ee dawlada dhexe ee Itoobiya ayaa Cumar Faaruuq ka qabtay gegida duyuuradaha ee Bole ee magaalada Adis Ababa.

Ciidamada ayaa waxa soo gaaray qaansheegad ay u gudbiyeen maamuleyaasha Hotelka Jupitar oo sheegay in aanu Cumar Bixin kharashkii Hotelka oo uu ku jiray iyo eedo kale oo kuwaa la mid ah oo ciidanka loo gudbiyay.

Midawga Suxuufiyiinta Soomaaliyeed ayaa hore uga qaaday xilkii Xoghayenimo Cumar Faaruuq ka dib eedo loo jeediyay oo lagu sheegay in uu lunsaday hanti.

Ururka ayaa sidoo kale dacwad ka dhan ah Cumar Faaruuq u gudiyay maxkamada gobolka Banaadir oo ka dibna warqad qabasho soo saartay.

Cumar Faaruuq ayaase intaanay maxkamadu dhegeysan eeda loo soo jeediyay ka baxsaday dalka.

SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed