|

Qormadii 54-aad Somaliland iyo Maanta, Xogta iyo Xaqiiqda dhabtaah, Allow sahal Amuuraha

Waxaa dastuurka Somaliland uu muwaadinkasta oo Somalilander ah uu u-damaanad qaadayaa oo uu xaq-u-siinayaa in uu aragtida fikirkiisa, dhiibashada rayigiisa, cabirista maskaxdiisa, hilaadinta indheer-garad-nimadiisa, abaabulka dhigiisa, sheegista iyo meel-marinta taladiisa, edeeynta iyo toosinta xukuumadiisa in uu intaba uu xor u-yahay ,xaqna u-leeyahay isaga oo dhawraaya oo aan ku-talax tegeyn milgaha, karaamada iyo xuquuqda muwaadin-kasta  uu siiyey dastuurka qaranku,  Waa hadii aynu run-sheeg nahay oo ay &nb sp;inaga dhab-tahay in aynu dhab-dha-bano oo kab-kabano oo dhirin-dhirino   Dimuquraadigeena  dada’yar ee milanka iyo may-dhanaanka noqdey ee silan ee sirxan ee sidkan ee solmay ee saqiirey ee socodkii-baran-waayey ee sii rifmaaya ee sii  ragaa-daaya ee ra-ranka ay maanta saartey xukuumadeenii loo doortey ee loo dirtey ee  gacanteedii lagu aaminey ee loo dhaariyey. Subxaan Allah !! Sub-xaana Allah!!.
Waxaa loo doortey nidaamka Dimuqraadiga ah in hogaanka dalka lagu bedelo dareenka shacabka iyo doorasho xor iyo xalaal ah si ay shacabku ugu ciil-baxaan codkooda, dareenkooda, garashadooda iyo garaadkooda.Dastuurka ayaa muwaadin kasta oo reer Somaliland ah u-damaanad qaadaaya in dimuqraadiyada si xalaal ah oo badheedh ah oo cadaan ah in la isugu dhaliilo, la isugu tilmaamo oo la isugu toosiyo oo weliba la isugu ololeeyo si  xilalku ay meerto u-noqdaan oo ay digtay-tarnimadu meesha uga baxdo dimuqraadiyaduna u-meel-marto oo u-hirgasho. Hadaba waxaa nasiib-daro ah maanta, in madaxtooyada jirtaa aaney la heyn milgihii, karaamadii iyo kartidii ay ku ababin laheyd dimuqraadigeenii curdinka ahaa ee ay  ku-dhici lahaayeen doorasho xor iyo xalaal ah waayo xeerarkii ay ku dhici lahaayeenba waa wada qabyo lamana daweyn oo lama  bogsiin mililkii iyo caabuqii ay reebtey Doorashadii xaaraanta iyo xaqdarada ku dhamaatey ee  Golayaasha degaanka ee wadanka ka  dhacdey sanadkii tegay ee 28/11/12.
 
Muwaadinow markaad u-fiirsato aragtida, sahanka, hiraalka iyo himbiriirsiga xukuumada Siilaanyo, waxaa kuu cadaaneysa in ay tahay Xukuumad aan waxba falkin, aan feenin oo aan fikir iyo fahmo badan isu keenin taas oo Horumarkii, Higsigii iyo Himilooyinkii wadanka oo dhan isugu keentey.
– Hilaac been ah, Qawda maqashii waxna haw-qaban iyo “dhagaxa dhig oo dhaaf”
– Mikirifoon been ah oo lagu adimo, dan-la-orod iyo Wadadu – Wadey Daalibeysaa amaba Wado-Wado -ku-xanib iyada oo ay jiraan qaar qabyo ah oo qoyani iyo goobo badan oo dhagxaantii ay dhigtey aan laba ali weli isweydiin..
– Xag-xagasho, xabad, xadhig iyo xayiraad aan xad laheyn oo lagu riday xoriyadii warbaahintii madaniga aheyd ee xorta aheyd.
– Dhamaan anfacii, iidaankii, agabkii iyo ilihii dhaqaalaha oo ay ka dhigtey Weecsin, Beegsin iyo Caadadii beelnimada aheyd ee ay ku caanka baxdey 3-dii sanadaddod iyo badhkii la soo dhaafey ee ay doobineysey ee ay dhibi-shaxleyneysey ee shacabku ku jirey qar-qarsiga iyo qoor-qabadka.
– Wasiiro is xaqira oo u-kala-sareeya sida loogu kala dhaw yahay muska iyo miscirirta xayndaabka madaxtooyada, taas oo kuwa qodinka, udub-dhexaadka  iyo dhigaha xayn-daabka haystaa ay mansabka ku-ugaadh-sadaan oo la soo huluushaan raqdii hantidii ummadda ka-dibna ay isugu habar-wacdaan oo halkaa ku xalaaleystaan oo ay xawaaladaha jini boqorada ah ku dhigtaan. aqoon la’aanta baahsan ee maamulka,maareynta iyo nidaamka isku wada dhex-furan ee xukuumadan hafiyey waxay keentey oo abuurtey kala  qeybsanaan awoodeed oo xukuumada dhexdeeda ragaadisey.Waxaa lagu suntey xukuumadan xeer-la’aan,xaq-soor la’aan , xaq-dhowr la’aan iyo awoodihii xukuumadeed oo isku wada liin-baxey oo milan iyo meydhanaan wada noqdey. Waxa ay noqotey Xukuumad ” is-nuug ah” oo dhaqaalaha wadanka 50% ay ku soo biyo shubmaan xeyndaabka madaxtooyada o isagu hada noqdey wasaarad maaliyadeed oo labaad.
 
– Waxay Sahwi, Selel, Sas iyo Sakati ka qaadey samo taliskii iyo mujaahidiintii bud-dhiga Somaliland sababta u-ahaa oo ku dhawaaqey bad-baado qaran iyo shir toosin iyo talo qaran ah  in ummaddu  isugu timaado. Waxaa Guux, Hugun iyo balafi uga sii baxdey markii ay Madashu shirkii talo qaran ay ku sii wareejiyeen Xisbiyadii mucaaridka ahaa oo iyagu liisan-buuxa u-haysta in ay ummadda la shiraan, taas oo ay xukuumadiina ka degi-weydey oo uu xaalkeedii uu noqdey indho-la’aan, dhego-la’aan, car-juuq dheh  iyo ku-jiqsii.Waxaa hayadihii xukuumadu isugu soo biyo shubteen qaar aaney ka muuqan mabaadiida wada-shaqeynta iyo wax wada-lahaanshaha kuwaas oo aan muujin qiimihii, quruxdii iyo qaran-nimadii dawladnimo. kuwaas oo ay hadheysey hagaas iyo habacsanaan baahdey maa-daama aaney laheyn qorshe hawleedyo sanadle ah, bille ah, maalinle ah, saacadle ah iyo weliba cabiradii iyo halbeegyadii lagu qiyaasayey in hawshii loo igmadey qabsoontey iyo inkale oo aan iyana meesha jirin.  Waxay shacabka u-isticmaashaa ciidan si-gaar ah loo taba-barey oo aan sidan ruqsad oo in-dhaha ka xidhan oo isku wada direys ah oo aan la kala garaneyn in ay yihiin RRU,STU iyo CTU kuwaas oo xag-xagasho iyo xabad la horjoogsada muwaadiniinta uu dastuurku xaqa u-siiyey in ay si salmi ah ay  dareenkooda u-muujiyaan oo u-mudaaharaadaan.
 Waan idiin yara dul-marey’e bal-qof-waliba inta uu og yahay ha kusii darsado. ! Eebena haynaga bad-baadiyo’e.!  Aamiin !!
 
Guntii iyo Geba-gebadii ; Waxay Xukuumadani hoos u-dhigtey hankii iyo sharaftii Somaliland,waxay mugdi-gelisey kalsoonidii geedi-socodkii Dimuqraadiga ahaa ee S/land, waxay noqotey Xukuumad gab

Comments are closed