Illinkii ugu Weynaa Ee Soomaalidu Yurub ka Geli Jirtey Oo Xidhmay iyo Niyadjabka Ka Dhalan kara
Ankara:17-Dec-2013(SDN)-Illinkii ugu weynaa ee Somalida Yurub ku qulqulaysaa sii mari jireen ayaa u muuqda mid guud ahaanba xidhmay oo aanay dhici doonin in mar dambe laga sii gudbaa kadib markii ay Dawladda Turkiga iyo Dawladaha Yurub Heshiis Rasmi ah kala saxeexdeen.
Heshiiskan oo ay labada Dhinac ku kala Saxeexdeen Waddanka Turkiga maalintii shalay, ayaa dhigaya in Turkiga dadkiisa ay fiiso la’aan kusoo booqan karaan 28 -ka wadan ee uu ka koobanyahay Midowga Yurub.
Oggolaanshahan ayaa wuxuu u gogol xaadhayaa in dad badan oo tahriibayaal ah oo ku sugan Turkiga iyo wadamada ku xeeran haddii ay soo maraan wadanka Turkiga oo ay soo galaan wadamada Midowga Yurub in dib loogu celin karo wadanka Turkiga.
Tanni, waxa ay saameyn weyn ku yeelan doontaa Soomali badan oo sii mara Turkiga kadibna Greece, ka hor inta aanay iska dhiibin dalal badan oo ka mid ah Yurub-ta galbeed.
Warwarka arrintan ayaa durtaba soo baxaya, waxana jira soomaali badan oo ku talo jirey inay halkaas maraan, balse uu heshiiskani caqabad weyn ku yahay hadda.
Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa ku tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid taariikhi ah oo wax ka qaban doono is fahamka iyo wax wada qabsiga Turkiga iyo Midowga Yurub.
Turkiga iyo wadamada iskula jira Midowga Yurub oo ay hormuud u yihiin Jarmalka iyo Faransiiska ayaa xanibay in Turkiga ka mid noqdo wadamda Midowga Yurub madaama Turkiga uu bilaabay sannadkii 2005 wadahadalo uu Turkiga ku rabay in kaga mid noqdo Midowga Yurub.
Turkiga waa wadanka kaliya ee ka tirsan gaashaanbuurta Naato ee Muslim ah laakiin aan ka tirsanayn suuqa dhaqaalaha Yurub. Heshiiskaan wuxuu dhigayaa in xanibaada fiisaha ee saaran muwaadhiniinta Turkiga laga qaado halka Turkiga uu oggolaaday in uu dib u celiyey dhamaan soo galootiga sharci darada uga soo gala wadanka Turkiga dhinaca wadamada Midowga Yurub oo dhan.
S.D.N