|

Wasiirrada iyo Xildhibaanada Xukuumadda Kaga Jira Bariga Somaliland Oo Ku Soo Biiray Isu Soo Dhaweyntii Shirguddoonka Wakiillada Laga Dhex Waday iyo Nuxurka Kulan Shalay Albaabada La Isugu Xidhay

Hargeysa:17-Dec-2013(SDN)-Kulankii Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Xildhibaan Xaaji Cabdi waraabe ka dhex wadeen Shirguddoonka  Golaha wakiillada Somaliland, ayaa wali sii Socda, iyadoo shalayna Kulan Sal Ballaadhan lagu Yeeshay Xarunta Golaha Baarlamaanka.

saaxiibo-600x450Kulankan dhex dhexaadinta ah ee labadan masuul laga dhex wado, ayaa shalay ahaa mid Guddoomiye Saleebaan iyo Xaaji Cabdi waraabe u talo Badsadeen, waxana ay ka qayb-geliyeen Xubno culculus oo ay Guddoomiye Baashe isku Deegaanka ka soo Jeedaan.

Xubnaha Miisaanka Leh ee Shirkan ka qayb-galay ayaa wax aka mid ahaa Wasiiru-dawlaha Nabadaynta Gobolada Bariga Somaliland Cali Sandulle, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jeeni Yare, Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho iyo Xildhibaan Siciid Dhako oo Dhammaantood ka soo jeeda Gobolada Bariga Somaliland.

 

Kulankan oo ahaa mid Saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, ayaa waxa  ay ilo xogogaal ahi  shabakadda Qurbejoog.com  u sheegeen inuu ahaa mid lagu lafo guray sidii meesha laooga saari lahaa khilaafka soo kala dhex galay labada Shakhsi ee ugu sarreeya Golaha Baarlamaanka, iyadoo Xubnahan Masuuliyiinta ahna lagu dhiirrigeliyey inay si hoose Guddoomiye Baashe uga  dhaadhiciyaan inuu Khilaafka yareeyo.

Xubanahan shirkan shalay ka soo qaybgalay eek a soo jeeda Deegaanada Bariga Somaliland, ayaa la sheegay inay halkaas ka sheegeen inay Baashe Maxamed Faarax ka dhaadhicin doonaan inuu Tanaasul sameeyo,maadaama  aanu khilaafku wax faa’iido ah soo wadin.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Xildhibaan Xaaji Cabdi waraabe oo hore kulamo ula yeeshay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa Haatan ku jira Gebabada turxaan Bixinta Labada Guddoomiye, waxana haatan ilo xogogaal ahi sheegayaan in Arrintu meel fiican marayso oo  si weyn labada Nin la iskugu soo dhaweeyey.

 

Labada Guddoomiye ee Baarlamaanka Somaliland ugu sarreeya ayaa isku seegay Isku day ay xukuumaddu soo abaabushay oo lagu mijo xaabinayey isku shaandhayn ballaadhan oo uu Guddoomiye cirro ku sameeyey Guddi-hoosaadyada Golaha, taas oo u cuntami weyday Xukuumadda Somaliland, iyadoo Guddoomiye Baashena qoray warqad uu ku burinayo arrintaas.

 

Guddoomiye Cirro  ayaa ka fal celiyey isku daygaas uu sameeyey ku xigeenkiisu, waxana uu mar hore saxaafadd ku sheegay inay sharci tahay isku  shaandhayntii uu sameeyey, isagoo ku andacooday inuu kala tashaday Guddoomiye-kuxigeenka labaad ee Golahaas Cali Yuusuf oo isaga laftiisu sheegay inuu taladaas il duufay.

 

Maalmaha Soo Socda ayaa lagu Wadaa  meesha laga saaro Turxaanta Dhextaalla Masuuliyiintan, waxana lagu wadaa in markaas ka dib lagu dhawaaqo is fahamka ay midhaha ka dhashay dedaalkii la waday, iyadoo la filayo in arrinta la gebagebeeyo inta Aan la Gaadhin Maalinta Sabtida ah oo loo Ballansan yahay inuu Furmo Kala-fadhiga Golaha Wakiillada oo hore dib loogu riixay khilaafka Dartii.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed