|

Xukunka Ciidan ee dalka Nigeriya iyo khasaaraha ka dhashay

Abuja Dec 17,2013(SDN)-Qaramada Midoobey ayaa warbixin ay ka soo saartay warbixin ay uga hadleyso khaasaaraha ka dhashay xukun ciidan oo dul yaalay ilaa may qeybo ka mid ah dalka Nigeriya.

Ciidamada dalkaas oo dagaal kula jira kooxda xag jiriinta ah ee Boko Haram ayaa qeybo badan oo muslimiintu degaan dul dhigay culeys amaan.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ilaa 1,200 oo ruux ay ku dhinteen colaadan u dhexeysa xagjiriinta iyo ciidamada dalkaasi.

Dagaaladan oo saameeyay gobolada Adamawa,Borno,iyo Yobe ayaa waxa ku dhintay shicib,xagjiriin iyo qaar ka mida ciidamada Nigeriya.

Balse dad ka badan 1,200 ee QM ay sheegtay ayaa ku dhintay colaada boka Xaram ee bilowday horaantii sanadii 2009kii.

QM ayaa sidoo kale walaac weyn ka muujisay xaalada Biniaadamnimo ee gobolada Woqooyi Bari ee dalka Nigeriya.

Colaadan ayaa sidoo kale waxa ay xurguf dhex dhigtay bulshooyinka Muslimka ah iyo kuwa masiixiyiinta ee dalkaasi.

SDN-Abuja
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed