Woqooyiga Kuuriya oo xus balaaran u sameeyay madaxweynihii hore ee dalkaas Kim Jong-il
Pyongyang Dec 17,2013(SDN)-Dalka Woqooyiga Kuuriya ayaa si weyn looga xusay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay geeridii madaxweynihii hore ee dalkaasi Kim Jung-il.
Xuska ayaa imanaya maalmo uun ka dib ka dib kolki maxkamad ciidan ay xilkii ka xayuubisay isla markaana ay deldeshay ku-xigeenkii madaxweynaha haatan Chang Song-thaek.
Saraakiil iyo ciidamo aad u faro badan oo xuska ka qeyb qaatay ayaa muujiyay sida ay taageerada buuxda ugu hayaan madaxweynaha da’ada yar ee dalkaas Kim jong-un.
Madaxweyne Un ayaa markii u horeeysay la arkay kiyoo ku fadhiya kursiga hogaamiyaha oo salaan ka qaadanaya ciidamada xuska ka qeyb qaadanayay.
Dunida ayaa walaac ka muujisay dilkii Chang oo ahaa madaxweynaha Adeerkii isla markaana xiriir dhaw la lahaa dalka China.
Dalalka jaarka la ah Woqooyiga Kuuriya ayaa haatan ku jira heegan sare oo ay isugu diyaarinayaan daandaansi ay dhici kareyso in Woqooyiga Kuuriya kula kacdo.
SDN-Pyonyang
contact@somalidiasporanews.com