|

Afganbigii Dhicisoobay ee Koonfurta Sudan iyo Saamaynta Ganacsi ee Somaalida ku Nool uu ku Yeeshay

Juba 16.Dec 2013 (SDN)- Suuqyada ganacsiga ee magaalada Juba ee caasimadda Koonfur Sudan ayaa maanta xiran kaddib markii xalay iyo saaka ay ka dhaceen iska horimaadyo u dhexeeya ciidanka dalkaas.

Bile Daahir Maxamed oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ayaa sheegay inuu xiran yahay dhammaan ganacsiga qeybahiisa kala duwan.

Salva-Kiir-300x168Wuxuu tilmaamay in Soomaalida ganacsatada ah ay qeyb ka yihiin ganacsatada kale ee ku nool dalkaas ee xiray ganacsigooda, islamarkaana ay furi doonaan kaddib marka ay degto xaaladda magaalada.

Soomaalida badan ayaa ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka dalka Koonfur Sudan gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Juba.

Madaxweynaha Koonfur Sudan Salva Kiir oo hadlay ayaa sheegay inuu dhicisoobay afgambi milateri oo lala damacsanaa dowladdiisa, wuxuuna ku dhawaaqay bandow billaabanaya 6-da maqribnimo ilaa 6-da aroornimo.

Magaalada Juba ayaa xalay waxaa ka ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidanka oo kala taageeraya madaxweynaha dalkaas Silva Kiir Miyardit iyo ku xigeenkiisii hore Riek Machar.

Juba SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed