Qarax Bambaano oo Caawa ka dhacay Barxada hore ee Maxkadamada Boosaaso dhimashada oo hal qof ah iyo dhaawaca oo Maraya 5 ruux
Boosaaso 16.Dec 2013 (SDN)- Hal qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo caawa ka dhacay bannaanka maxkamadda dambiyada madaniga ah ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Qaraxa oo ahaa bam-gacmeed ayaa lagu weeraray gaari uu watay xeer ilaaliyaha maxkamadda Bashiir Hoobaley oo dadka dhaawacmay ku jira.
Wariyeyaal tagay isbitaalka Boosaaso oo dhaawacyadii la geeyay ayaa ku warramaya in qofka dhintay oo haweeney ahayd ay ku jirtay lix qof oo isbitaalka loo geeyay in lagu dabiibo, hase ahaatee ay u geeriyooday dhaawacii gaaray.
Ciidamada booliska Putland oo tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa baaritaanno wado, iyadoo aanay wali jirin war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka iyo saraakiisha amniga.
Boosaaso SDN.
Qurbejoog.com