“Xuseen Nuur waa shaqsiga aan ku tuhmayno inuu weerarkan ka dambeeyo, balse weli waxaa socda baaritaano lagu soo qabanayo” Taliyaha Booliska Kenya
Nairobi 16.Dec 2013 (SDN)- Booliska Kenya ayaa soo bandhigay sawirka wiil Somali ah oo lagu tuhmay inuu ku lug lahaa Qaraxii ay ku dhinteen lix ruux ee lagu qaaday habeen hore gaari kuwa dadweynaha qaada ah oo dhexmarayay bartamaha Nairobi, kaasoo ay saarnaayeen shacab Soomaali u badan.
Wiilkan Somaliga ah oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Nuur Maxamed ayuu taliyaha booliiska Kenya sheegay inay ku tuhmayaan inuu lug weyn ku lahaa weerarkan, isagoo sheegay inay ku raad-joogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.
Baskan oo ka tagay Xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii ayaa ku sii jeeday bartamaha Magaalada Nairobi, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20-qof oo qaarkood ay u dhinteen dhaawicii soo gaaray.
Dadka ay wayxeeladu kasoo gaartay Qaraxan ayaa u badan Soomaali ka tagay xaafada Islii oo ku socday xaafado kale oo Nairobi ka tirsan, iyadoo ay dowlada Kenya weerarkan ku eedeysay Kooxda Al-shabaab ee dalka Somalia ka dagaalanta.
“Xuseen Nuur waa shaqsiga aan ku tuhmayno inuu weerarkan ka dambeeyo, balse weli waxaa socda baaritaano lagu soo qabanayo si maxkamad loo hor-keeno” ayuu warbaahinta u sheegay Taliyaha Booliiska Dalka Kenya David Kimaiyo.
Taliyuhu wuxuu sheegay in eedeysanahan horay loogu eedeeyay falal ka dhan ah ammaanka; laakiinse damaanad lagu sii daayay isagoo sheegay in goor hore loo jaray warqad lagu soo xirayo, maadaama uu imaan waayay maxkamadii dhageysan lahayd eedeynta loosoo jeediyay.
David Kamaiyo ayaa ka codsaday shacabka Kenya ka dalbaday inay booliska kusoo wargeliyaan hadii ay arkaan Xuseen Nuur oo uu da’diisa ku sheegay in ay tahay 21 sano jir Soomaali ah.
Sidoo kale Taliyaha Booliiska Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan ruux kale oo ay ku tuhmayaan inuu ku lug lahaa weerarka kaasoo ay kasoo qabteen goobihii uu weerarku ka dhacay, laguna sameyn doono baaritaan dheeraad ah.
Ciidamada Booliiska Kenya ayaa tan iyo shalay baaritaano ka waday gudaha xaafada Islii halkaasoo ay ku qabqabteen dad badan oo Soomaali, kuwaas oo ay la xiriirinayaan weerarka baska lagu qaaday.
Ma jirto weli cid sheegatay inay weerarkan ka dambeyso, marka laga reebo hadalka saraakiisha Amniga Kenya ee ah inay ka dambeyso Kooxd Mayalka Adag ee Al-shabaab.
Nairobi SDN.
Qubejoog.com