|

Wanqasha Buug ka Waramaya Taariikhda,Nolosha,Iyo Waayo aragnimada Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe oo lagu daahfuray Jaamacada Hargaysa

Hargaysa 16.Dec 2013 (SDN)- Munaasibad balaadhan oo lagu daah furayay buugga  Samotalis oo xanbaarsan taariikhda xaaji cabdi kariim xuseen [xaaji cabdi waraabe]  ayaa  lagu qabtay magaalada hargaysa  waxaana kazoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiiradda wasaaradaha  warfaafnta , duulista hawda qorshaynta , xogahayha golaha guurtida , gudoomiyaha xisbiga  ucid , gudoomiyaha jaamacadda hargysa  iyo maamulka iyo macalimiint jaamacada haragaysa.

SAMOTALISWaxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha  maxadka nabada  ee jaamacada hargaysa prof aaden xa cali  oo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay taariikhda la qoro isagoo u mahad celiyay  qoraaga buuga iyo cid  kastoo gacan ka geysatay.

Waxa iyana halkaasi hadalo mahad celin kazoo jeedisay marwo naciima cabdi galiixe oo ku hadlaysay magaca shirkada Sagal jet oo ah shirkda daabacday buuga  islamrkaana gacan ka geysatay bandhiga daahfurka loo sameeyay buuga samo talis   taasoo ka waranatay sida loogu baahan yahay in la qoro  taariikhada  qotota dheer ee aynu leenahay oo ay ka mid tahy taariikhada dadka magaca ku leh bulshada.

Qoraaga buuga samo talis aqoonyahan sicid maxamud gahayr oo halkaasi ka hadlay  ayaa u mahad celiayay cid kastoo gacan ka geysatay qorida buuga waxaanu ku tilmaamay diiwaanka taariikheed ee uu ka qoray xaaji cabdi waraabe  mid uu uu ku maamuusay bulashada si ay wax badan  uga ogaato sooyaalka taariikheed uu uuu gaar ahaan u leeyahay  maadaama xaajigu noashiisa dhamaanteed uu kazoo shaqaynayay nabada iyo dhismihii somaliland .

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta md cabdilaahi maxamed daahir [cukuse] oo ka hadlay daahfurka diiwaanka samo talis ayaa ka waramay kaalinta iyo qiimaha xaaji cabdi uu ku leeyahay bulshada somaliland  kaasoo uu xusay in aad loogu baahnaa in laga reebo taariikhada maguuraanka ah ee uu usoo joogay si jiilalka danbe ay wax uga ogaadaan sooyaalka taariikheed ee dalkan loosoo maray iyo dadka mudan in wax laga qoro waxaanu u mahad  naqay qoraaga buuga oo uuu sheegay in talaabo dhaxal gal ah in uuu qaaday

Gabagabadii xildhibaan xaaji cabdikariim xuseen [ xaaji cabdi waraabe ] oo ka hadlay  bandhigaasi ayaa ka mahad celiyay diiwaanka buuga samo talis ee lagu sharfay in in laga qoro  isagooo si kooban uga sheekeeyay sooyaalkii taariikheed ee dalka loo soo maray laga soo bilaabo xiligii ingiriiskii ilaa lga soo gaadhay kii dalka lagu xoreeyay  iyo maanta halka dalku uu marayo,

Waxaanu   kusoo uruuriyay hadalkiisa in la ilaaliyo qiimaha nabada iyo xoriyada islamrkaa cid kastoo wax tabanaysaa ay u marto hanaanka sharciga ah waxa ay tabanayso

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed