|

Saleebaan Gaal:Dawlada Axmed Siilaanyo sabab lagu dhaleeceeyo ma jirto

Hargeysa Dec 16,2013(SDN)-Guddoomiyaha Gollaha Gurtida Somaliland Md Salabeen Maxamuud Aadan Saleebaan Gaal ayaa saxaafada Somaliland u sheegay in aaney jirin wax lagu mucaarido xukuumada Axmed Siilaanyo.

Guddoomiyaha oo saxaafada la hadlay ka dib kulan uu la yeeshay dhigiisa Wakiilada Cabdiraxman Ciro ayaa la weydiiyay sababta aanu uga hadal qaladaadka xukuumada Somaliland.

“Xukuumadu hadii khaladaad ay jiraan waan la hadli lahaa balse wax khaldani iminka ma jiraan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland Saleebaan Gaal.

silanyo-gaal

Guddoomiyaha Guurtida ayaa gebi ahanaba mucaarid ku ahaa xukuumadihii kal duwanaa ee Somaliland soo maray.

Mucaaridnimadiisiina waxa ay muxaafidnimo isu bedeshay kolkii uu xilka qabtay madaxweyne Axmed Siilaanyo oo inkasta oo ay siyaasada mudo isaga soo horjeedeen lagu heshiisiiyay shir beeleedkii Habar Jeclo ee Garadag.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed