Safiirkii Hore Ee Somalia U Fadhiyi Jire Kenya Oo Xil Muhiim ah Looga Dhiibay Urur-goboleedka IGAD
Djibouti:16-Dec-2013(SDN)-Safiirkii hore ee Somalia u fadhiyi jirey dalka Kenay Maxamed Cabdi Afey ayaa Xil sare looga dhiibay Urur-goboleedka Igad.
Masuuliyiinta Urur goboleedka IGAD ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Cabdi Afey uu yahay wakiilka ururka IGAD ee dalka Soomaaliya, kaasi oo loo magacaabay gelinkii dambe ee shalay, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay urur goboleedkaasi.
Warkan Afey Loogu Macagacaabay u qaysamahooda Somalia, ayaa waxa uu ka soo Baxay xoghayaha urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin, iyadoo qoraalkaana lagu sheegay inay maxamed Cabdi Afey loo rajaynayo inuu wax weyn ka qabto masuuliyadda la saaray.
Ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Somalia Maxamed Cabdi Afey ayaa hore usoo noqday Safiirkii Kenya ee Somalia sanadkii 2003, isagoo qeyb ka ahaa dadkii ka qeyb qaatay dhismihii dowladii KMG ee lagu dhisay dalka Kenya, waxase haatan u taalla hawl ka culus midii uu xilligaas hayey oo ah inuu kor u qaado xidhiidhka ka dhexeeya Somalia iyo dalalka kale ee Igad kula jira.
S.D.N