|

Madaxweyne Faroole Oo Ka Fal Celiyey Tallaabadii Maamulkiisu Magaalada Ugu Diiday Tiknakadii uu Watay MiD Ka Mid ah Musharixiinta la Tartamaysaa

Garoowe:16-Dec-2013(SDN)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa  Ka Fal celiyey Tallaabadii ciidankisu Magaalada Garoowe ugu diideen inuu Tikniko la soo Galo Musharax  Shire Xaaji Faarax Oo ka mid ah ragga u taagan Madaxtinimada Puntland.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA Faroole oo ka hadlayay xaflad lagu qabtay xarunta TV-ga Puntland ayaa sheegay in magaalada Garoowe ay tahay amaan, cid kastaana ay imaan karto oo aanay jirin cid maageysoaa ama wax u geysanaysaa.

Madaxweyne Faroole waxa uu Tilmaamay inaan Magaalada lala soo Geli Karin Ciidan Beeleed aan ahayn kuwa Dawladda, isagoo Xusay inay Magaaladu nabad tahay oo cid waliba ammaan ku haysato,“Ninkii nabad raba waa iman karaa yaa magaya. Qaar baan maqlayey dhahayey soo geli meyno Garowe hadaanan 20 Tikniko ah iyo 20 mooryaan ah wadan, imisaa nabad ku jooga oo Ajaanib ah, meeshan Dad Nadiif ah baa jooga Mooryaan loogama baahna, maxaa adigu kugu dheer oo aad hubka ula soo galeysaa ma dadka meesha degen baad la dagaalameysaa?” ayuu yidhi Faroole oo si dadban uga hadlayey dhacdadii tallaabadii murashax Shire Xaaji Faarax loogu diiday inuu lasoo galo magaalada 2 gaadhi oo tikniko ah oo waardiye u ahayd.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegey in qaar kamid ah Musharixiintu ay ilaalo u wataan Budhcadbadeed dadka buuraha la geli jirey oo denbiilayaal ah, waa sida uu hadalka u dhigay Faroole.

 

Madaxweyne Faroole iyo musharaxiinta la tartamaysa ayaa si aad ah iskaga soo horjeeda, waxana haatan soo dhawaatay xilligii doorashada, iyadoo xafiiltanka u dhexeeya labada dhinacna uu meel xaasaasi ah marayo.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed