|

Hanti-dhawraha Oo Badka Soo Dhigay Fadeexado Musuqmaasuq oo Ku Gedaaman Hay’adda WFP iyo Hay’addaas oo Ka War wareegtay

Hargeysa:16-Dec-2013(SDN)-Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Somaliland,  oo in muddo ahba ku maqnaa baadhitaano la xidhiidh Musuq lagu eedeeyey  Mashaariicda Hay’adda WFP Ka waddo Somalilan  ayaa caddaymihiisa u gudbiyey Wasaaradda Qorshaynta.

Maxamuud dheere oo muddo ku hawlanaa kala hufidda iyo isku duba ridka hawshan culus, ayaa aakhirkii la sheegay inuu soo Gebogebeeyey Arrintaas, waxana uu shalay Hannaan Tifaf tiran u gudbiyeyey Tirrooyin musuqmaasuq ah oo Hay’addaasi ku ragaadisay mashaariicdii Somaliland la siiyey, iyadoo haatanna Hay’addaas looga fadhiyo inay ka jawaabto amuurahan lagu eedeeyey.

 

Kulankan  uu Hantidhawrku ku gudbinayey caddaymihiisa musuqmaasuq ee uu  hayo, ayey goobjoog ka haayeen Hay’adda WFP ee iyadu hawshan faraha kula jirta, waxase la sheegay inay ka war wareegeen inay arrinaas qirteen, waxana ay dalbadeen in  la siiyo wakhti ay baadhitaano ku soo sameeyaan, taana waa laga aqbalay sida ilo kulankaas laga helay ay sheegeen.

 

Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa haatan laga sugayaa inay dabiibto dhibaatada ay Hay’addaasi u hayso raashinka mucaawimada ah ee loogu deeqo dadka masaakiinta ah ee reer Somaliland, waxana ay  haatan arrintu u muuqataa mid tallaabo sax ah  u qaadday dhinaca saxda ah.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed