Lacago Aan Ujeedaddooda La Caddayn Oo Wasiirka Duulistu Shaqaalihiisa Iyo Diyaaradaha Ku Soo Rogay Oo Muran iyo Is qabqabsi Badan Keenay
Hargeysa:16-Dec-2013(SDN)-Amar uu Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Ku soo Rogay Shaqaalaha Wasaaraddiisa iyo Diyaaradaha isticmaala Garoomada Somaliland ayaa Muran weyn iyo Is qab-qabsi dhaliyey.
Waxa uu Wasiir Maxamuud Xaashi amray Shaqaalihiisa ka hawl gala wasaaradda uu madaxda ka yahay in qof waliba iska Jaro lacag dhan $10, iyadoo shaqaaluhuna aad uga biyo diiday tallaabada uu wasiirku ku Go’aansaday in lacag aan wax lagu qabanayaa jirin oo intaas Le’eg laga jaro.
Arrintan ayaa jaahwareer iyo muran badan dhex dhigtay shaqaalah wasaaradda Duulista, waxana haatan taagan Mucaaridad Ballaadhan oo shaqaalaha wasaaraddu kaga soo horjeedaan Barnaamijkan uu wasiirku Tuurta ku sito ee aan cudurdaarka lahayn.
Dhinaca kale waxa uu wasiirku sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ku dhaw Wasaaradu uu wasiirku amar kale faray Diyaaradaha isticmaala Garoonada Somaliland, kaas oo ah inay u diyaar garoobaan Lacago laga Rabo Bil kasta, kuwaas oo uu ku sheegay arrimo la xidhiidha Dib u Habaynta Garoonka iyo ilaalinta Nabadgelyadiisa.
Intaas kaliya kuma eka dhacdooyinka ku cusub wasaaradda Duulistu, balse waxa la sheegayaa inuu sidoo kale wasiirku amar u diray shirkadda Garoomada dhinaca Kargooga u qaabilsan ee Nasha oo uu iyadana ku soo rogay lacago uu sheegay inay iska Bixiyaan, balse aanu cayimin meesha ay gelayso.
Warar kale oo aanu helayno ayaa sheegaya in Shirkadda Ethiopian Airline ay Amarkaas Wasiirka iska Diiday, iyadoo dhinaca madaxtooyada wargelisay, waxana ay sheegtay inay si weyn uga soo horjeeddo ujeeddada uu wasiirku lacagta dheeraadka ah kaga doonayo.
Wasiir maxamuud xaashi oo tan iyo intii xukuumadda Kulmiye jirtey isagu iska Haystay wasaaradda Duulista oo ka mid ah wasaaraddaha ugu irmaan Somaliland, ayaa haatan u muuqda mid u soo dhigtay sidii uu lacago badan usii urursan lahaa, waxana amarradan haatan uu soo rogay u muuqdaan qaar jar iska xoornimo ah oo aanu ka fiirsan, balse uma eka qaar hirgelaya.
S.D.N