Wasiirul Dawlaha Xoolaha Somaliland oo Ugu baaqay Maamul Goboleedka Punt land inay faraha kala baxaan Xuduudaha Somaliland
Hargaysa 15.Dec 2013 (SDN)- Wasiirul dawlaha wasaaradda xanaanada xoolaha Engineer cabdiraxmaan jaamac cabdallah ayaa ugu baaqay maamul goboleedka Puntland inay faraha kala baxaan xuduudaha Somaliland ee ay soo gacan geliyeen gaar ahaan deegaanada Badhan iyo taleex
Md cabdiraxmaan jaamac cabdallah oo xafiiskiisa magaalada Hargeysa kula hadlayey warfidiyeenada waxa uu sheegay inay Puntland qaadi doonto mas’uuliyadda waxii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha farogelinta ay sameeyeen, halka sidoo kalena uu ugu baaqay bulshada Somaliland ee deegaanada bari inay dalkooda iyo dadkooda reer Somaliland wax la qabsadaan.
Wasiirka oo ka hadlayey qorshayaasha u degsan wax ka qabashada gobolada bari ee Somaliland ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay u heellan tahay sidii loo hagaajin lahaa deegaanada bariga somaliland isla markaana la dejiyey hanaan labada sano ee soo socda lagu daryeelayo kaabayaasha nolosha aadamaha ee goboladaasi sida biyaha, caafimaadka iyo waddooyinka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com