|

Jaaliyada somaliland ee Uk oo kulan hore looga baran la qatay wasiirka Arimaha gudaha Cali Maxamed Waran Cadde iyo Mayor ku Xigeenka Cabdicasiis Cagawayne oo ka dhacay bartamaha London. daawo sawirada kulanka

London 15Dec13(SDN) Kulan Balaran oo ay soo qaban qabisay Jaaliyada somaliland ee Uk ayaa waxa lagu qabtay galbeedka london kulankan oo uu ka soo qayb galay wasiirka Arimaha Gudaha iyo Moyore ku xigeenka magalada Hargaysa  Cabdicasis xaashi oo baryahan ku sugnaa cariga Uk kulankan aya waxa uu noqonayaa wasiirkii ugu horeeyay ee reer somaliland ah oo booqosho  ku  yimaada Uk ee inta uu soo hor  fadhiisto jaaliyada  Somaliland ee Uk su aalo toos ah laga waydiiyo isaga oo qof waliba  si toosa suashiisa  u waydiinayo wasiirka Cali Maxamed Waran Cade iyo Moyor ku xigeenka Hargaysa. Taas oo dadkii soo jidatay sida hufan ee ay uga jawabeen sualahii la waydiyiey iyo in waliba uu bulshadii ka soo qayb gashay ee goobaha kala duwan  ka yimdi uga  haqab tiro taas oo wax badan ka badashay jaaliyada Somaliland oo baryahan ku mashquulsanayd siyaasad jah wareersan oo   iyaga oo aad u faraxsan kala noqday niyad wanaaaagsan kulankii wasiirka . Mayor ku xigeenka caasimada Hargaysa oo noqday isna Mayor ku xigeenkii ugu horeeyay ee jaaliyada somaliland ee Uk si cajiib ah isla markaana ay ka muuqato farshaxanimo qurux badan ugu soo bandhigay wax qabadka dowlada hoose ee hargaysa ay qabatay mudadii yarayd ee ay xilka hayeen taas oo qaabka uu u soo bandhigayay mayorku ay ka sisay Hogaanka kulmiye ee goobta fadhiyay wax qabadka uu soo jeediyay mayor ka socda xisbiga ay loolanka adag ka dhexeeyo ee Xisbiga  Ucid  kulankan aya waxa aan ka maqnayn xisbiyada Qaranka Somaliland ee Kulmiye iyo Wadani iyo Ucid taas oo isku soo dhawaysay marka qaranka laga hadlayo in soo dhawaynta madaxda si hagar la aana loo soo dhaweeyo. gabagabadii ayaa waxay ku soo dhamatay si aad u qurxoon oo aan loo kala hadhin shabakada qurbejoog ayaa si toosa uga qayb gashay wariyaasheeda ku sugnaa goobta.

1460108_681023851930328_985446685_n1521997_681023831930330_1369382735_n1524955_681023925263654_711317796_n995302_681042921928421_2073730614_n1476376_681023961930317_144950749_n1480690_681023995263647_662528687_n

Comments are closed