War Deg Deg: Labadii wariye Ee Ina Fadal Ka Afduubay Xarunta Wargeyska Hubaal Oo Xorriyadoodii Dib u Helay
Hargeysa:15-Dec-2013(SDN)-Waxa Daqiiqado ka hor Saldhigga Dhexe Ee Magaalada Hargeysa Laga Sii Daayey Labadii wariye ee Dhawaan Ciidanka Boolisku ka qabteen Xarunta Wargeyska Hubaal oo ay ka Hawlhgeli jireen.
Mustafe Cabdilaahi Faro iyo Cismaan Axmed Cismaan oo ahaa laba Hawl-wadeen oo ciidan ina Fadal Wataa Laba cisho ka hor ka xidheen Xurnta wargeyska Hubaal, ayaa Haatan xorriyadoodii dib u helay, waxana ay sheeganayaan tacaddi iyo Dhibaato badan oo loo geystay intii ay jeelka ku jireen.
Labadan wariye ayaa soo dayntooda waxa si weyn uga hawlgalay Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ka soo horjeeda dulmiga cusub ee uu Taliye Fadal ku hayo saxaafadda Madaxa Bannaan, waxana Haatan si weyn uu Taliyuhu u raadinayaa Labada Masuul ee Wargeyskaa ugu sarreeya.
Wariyayaashan oo muddo ka Badan 48-saacadood ku xidhnaa Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayaa Noo sheegay inay Tacaddi baddan iyo dhibaato ka tirsanayaan Goobtii ay ku xidhnaayeen, waxana ay tilmaameen in Habeenkii xalay ahaa jidh dil iyo dhib kale oo badanba loogu geystay Jeelka dhexdiisa.
Sidoo kale waxa ay wariyayaashani noo sheegeen inay Ciidanka CID-du kala hadheen Qalabkii ay gacanta ku hayeen xilligii la qabanayey, waxana ay xuseen in qalabkaas oo isku dhan oo qaarkood jajabeen taliyuhu u gacan geliyey Ciidanka CID-da.
S.D.N