|

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Sheegay Inuu Ra’isal Wasaaraha Cusub u guddbiyay Liis Wasiirro uu Doonayo inuu Dib Xilalkooda Ugu Magacaabo

Muqdisho:15-Dec-2013(SDN)-Ra’isal wasaaraha cusub ee Somalia dhawaan loo magacaabay ayaa lagu wadaa inuu soo dhiso xukuumad cusub oo ka Ballaadhan middii hore, maadaama koobnaanteedii keentay isku dhicii madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaarihii hore.

fos Haddaba waxa muuqata in Ra’isal wasaarahan cusubi oo dib u soo magacaabi doono xubno ka tirsan xukuumaddii hore oo madaxweyne Xasan ay saaxiib dhaw yihiin, isla-markaana aanu ka maarmi Karin.

 

RW wasaaraha Cusub ayaa durbaba loo geeyay Liiska ay ku qoran yihiin Golaha Wasiiradda Cusub, waxaana laga dhex helay Wasiiro ku fakir ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la doonaayo in dib loo soo cesho, halka wasiirada qaarna la filaayo inay waayi doonaan Xilkooda.

Ilo xogogaal ah ayaa  shabakadda wararka ee qurbejoog.com u sheegay in  ugu yaraan Shan ka mid ah wasiirradii hore ee Ra’isal wasaare Saacid ay dib u soo noqon doonaa, kuwaas oo markii ra’isal wasaarahan cusub la magacaabayey shuruud lagaga dhigay inuu soo magacaabo, taas oo uu isaguna aqbalay shardigaas fudud.

Wasiirada lagu wado inay dib u soo noqon doonaan ayaa waxa ugu horreeya Haweenayda ay madaxweynaha jaalka dhaw yihiin ee Arrimaha Dibadda Marwo foosiya oo ka mid ah wasiirradii sida weyn uga soo horjeestay Saacid xilligii ay madaxweynaha is hayeen.

Waxa kale oo la sheegayaa inay soo noqon doonaan wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Horumarinta Adeegga Bulshada, Madaxtooyada iyo Wasiirka Maaliyadda oo isaguna la saaxiib ah madaxweynaha, waxana dhammaanba wasiirradan lagu xasuustaa sidii adkayd ee ay  madaxweynaha ula safteen xilligii saacid la isku dhacay.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in Ra’iisal wasaaraha cusubi keeni doono xubno hore leh oo ku cusub saaxadda siyaasadda, kuwaas oo isagu si gaar ah ugu kalsoon yahay, waxana haatan uu ku hawllan yahay talooyin uu la leeyahay dadka siyaasadda Somalia u dhuun daloola oo ay ugu badan yihiin kuwii Somalia gudaheeda joogay xilliyaddii nabadgelyo darrada iyo xasilooni la’aantu jirtey.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed