|

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo ka hadlay Shir lagu gorfaynayo Xeerka Xakamaynta Hubka Fudud

Hargaysa 14.Dec 2013 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdraxmaan Cabdilaahu Ismaaciil  [saylici ]   ayaa maanta ka qeyb galay  shir lagaga hadlaayay xeerka  xakamaynta hubka fudad ,kaasoo ay soo qaban qaabisay wasaarada arimaha gudaha.

Saylici SaxShirkan oo ay kasooo qeyb galeen wasiir ku xigeenka aminga , wasiiradda wasaaradaha  qorshaynta.  , cadaalada ,diinta iyo awqaafta iyo wasiir ku xigeenka wasaarada  gaaashaan dhiga oo lagu qabtay huteelka maansoor ee magaaladd hargaysa  ayaa  madaxweyne ku xigeenka jsl md cabdiraxamaan cabdilaahi isamaaciil [saylici ]oo halkasi ka hadlay ayaa  sheegay in nabadgalayad somalailand mudo dheer laga soo wada shaqeeyay sidii ay  u noqon lahayd mid adimo adag ku istaagta taasoo maanta somaliland ay tahay mid dunidu ay ku amaanto heerka nabad galyo ee ka jira islamarkaa ay tahay mid ilaahay loogu mahad naqo  waxaanu intaa ku daray in dadka reer somalland dhamaantood ay ka qeyb qaateen sidii dalku u noqon lahaa mid amaan ah  guushaa midhaheediina aynu maanta guranayno, waxaanu inaa  raaciyay  in xeerka laga hadlayaa uu yahay mid sii adkaynaya nabadgalayada guud ee dalka.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in xeerka laga hadlayaa uu yahay mid lagu ogaanayo hubka fududu eek u jira gacanta dadweynaha  sidaa darted ay dawlada waajib ku tahay in ay ogaato qiyaasta hubka fudud ee dadweynuhu ay haystaan

Wasiir ku xigeenka aminaga  md cabdialaahi abokor cisamaan oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay  in ujeedada kulankani ay tahay muhiimada hubka fudud oo ah  mid bulshada si weyn u anafacay ,waxaana  sheegay in lagu qiyaaso  tirada  hubka fudu ee dalkeena yalaa in uu  yahay   ilaa lix boqol oo kun  sidaaa araadeed wasaarada arimaha guduhu ay  wakhti hada laga joogo mudo dheer  ay mamnuucday ka ganacsiga hubka fududu iyo  rasaasta loo adeegsado

Wasiir kuu xigeenku waxa uu sheegay in wasaradaha iyo marti shafta kale in  loogu yeedhay in ay soo gudbiyaan wixii talo ee la xidhiidha  amuurahaasi xeerka xakamaynata hubka islamarkaa uu ugu mahad celinayo wakhtigooda ay soo bixiyeen.

Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka dr ascad cali shire oo halkaas I ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka ay keenaan isticmaalka hubka fudud isagoo tilmaamay in in somaliland sanado hore ay soo saaratay xeerar lagu xakamaynao  isticmalida hubka fudud sidaa darted mar hadii aanan laga maarmayn adeegsiga hubka fudud  waxa haboon in hiubku gacanta dawlada ku jiro  sida somaliland ay kusooo caano maashay ilaa maalintii hub ka dhisgista qaran l a sameeyay dalkeenu waxa uu ahaa nabad

Gabagabadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirada cadaaalada iyo diinta iyo awqqfta oo ka waramay   muhiimada xasiloonida amaanka iyo faa iidada uu u leeyahay bulshada.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed