Aqoon Isweydaarsi lagaga Hadlayay Qaabka loo sameeyo Xisaab Xidhada iyo Samaynta Miisaaniyadaha oo Hargaysa laga furay
Hargaysa 14.Dec 2013 (SDN)- Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha JSL Md Cabdisamad Cumer Maal ayaa maanta u furay shir hawleed maayirada lix degmo oo ka mida degmooyinka dalka kaas oo lagaga hadlaayay qaabka ay dagmooyinku u diyaarsdaan miisaaniayada sanadka ee ay iticmaalaan
Tababrkaas oo ay kasoo qeyb galeen maayirada degmooyinka Hargaysa , Gabilay , Borama . Berbera Sheikh , Burco Oodweyne waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay agaasimaha guud eee wasaarada arimaha gudaha Md cabdisamad cumer maal kaasoo sheegay in lagu jiro dabayaaqo sanadadeed sidaa darted waxa kulankan lagu baranayaa qaabka loosameeyo xisaabaadka iyo miisaanaiyadaha kaas oo loo baahan yahay in degmo kastaa ay samaysato xisaab xidhkeeda iyo diyaarinta miisaaniyadeeda.
Agaasimaha maxadka tababarada hayada shaqaalaha dawlada prof maxamed mixle boqore oo halkaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay ka qeyb galyaasha in ay ka faa iideeyaan aqoonta ay barteen islamrkaa macluumaadkaasi uu ku muuqdo wax qabdkooda sanadka soo socda aynu galyno waxaanu intaa ku daray in jeedada loo aasaasay maxadku in ay tahy sidii kor loogu qaaadi qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha dawlada eekala duwan isagoo gabagabdii u mahad celiyay ka qeyb galyaashii iyo maayirada lixda degmo ee kazoo qey galay kuankaasi.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com