Mareykanka oo 20 sanadood ka dib u mahad celiyay Malaysia,maxey tahay sababtu?
Port Dickson Dec 14,2013(SDN)-Dawlada dalka Marekanka ayaa mudo labaatan sanadooda ka dib u mahadcelisay dawlada Malaysia oo gacan ka siisay badbaadada ciidamadooda xili ay gacan u baahnaayeen.
Dawlada Mareykanka ayaan mudadaa dheer marnaba aqoonsan abaalkan ay Malaysia u gashay xili adag oo labatan sanadood laga joogo.
Ciidamada nabad ilaalinta ee dalka Malaysia ayaa dagaalkii ciidamada Mareykanku la galeen hogaamiyihii Jabhadii USC ee Gen Maxamed Faarax Caydiid u gurmaday.
Mareykanka oo dagaalkaas lagaga dilay 18 ka mid ciidamadooda ayaa waxa tiro intaa ka badan oo maalintaa la dililahaa badbaadiyay ciidamadii nabad ilaalinta ee dalalka Malaysia iyo Pakistan.
Film dagaalkaa laga sameeyay oo caan noqday ayaan sidoo kale lagu xusin abaalka ciidamada Malaysia.
Mahad celinta oo uu shaaciyay kaaliyaha xoghayaha siyaasada ee ciidamada Mareykanka Tom Kelly oo ka hadlay furitaanka xero lagu tababro ciidamada Nabad ilaalinta.
“ciidamadii nabad ilaalinta ee Malaysia ee ku sugnaa Muqdisho waxa ay bedbaadiyeen ciidamadeena Oct 03dii 1993dii”ayuu yiri Kelly
Kelly ayaa sheegay in cidamada Malaysia ay dalkooda u soo hooyeen sumcad weyn kolka la eego sida ay xilkoodii u guteen maalintaas.
Hogaamiyaha ciidamada Malaysia Gen Datuk Seri Zulkifeli Mohd Zin oo isna isla goobta ka hadlay ayaa sheegay in gurmadka ciidamada Malaysia u fidiyeen ciidamada Mareykanka uu askeri kaga geeriyooday ilaa sideed kalena ay kaga dhaawacmeen.
SDN-Port Dickson
contact@somalidiasporanews.com