|

Suldaan Caan ahaa Oo Xalay Lagu Dilay Degmada Afgooye iyo Cidda Loo Aanaynayo

Afgooye:14-Dec-2013(SDN)-Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxa fiidkii  hore ee xalay halkaas lagu dilay Suldaan-Beeleed caan ahaa.

BASTOLADSuldaan C/naasir Xuseen Xasan “Afrax”, ayaa waxay askar ka tirsan Ciidamada Dowladda ku dileen halka loo yaqaano Mukayga Afgooye, xilli uu la socday gaadhi nooca raaxada ah.

 

Ma cadda waxa rasmiga ah ee keenay in Ciidamada ka hawlgala Degmada Afgooye qaarkood, ay dil kula kacaan Suldaanka Beesha Maxamuud Hiraab oo ka mid ah beelaha halkaasi dega.

 

Laakiin warar aan la xaqiijin, ayaa waxay sheegayaan in Ciidanku ay joojiyeen gaadhigii Suldaanka, baadhitaano kadibna ay ka heleen bistoolad uu watay, isla-markaana uu isku dhejiyay, markii ay Ciidanku amrayn in uu ku soo wareejiyo.

 

Ciidamadaan, ayaa waxaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ciidanka Gudoomiyaha Degmada Afgooye ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda C/Laahi Cabdi Axmed “Lideey”.

 

Arrintan ayaa halis amaan ka abuuri karta halkaasi, haddii ay sidaas u dhacday, waxana la filayaa in maanta dhacdadaas laga galo gurmad badan si loo dejiyo Beesha suldaanku ka soo jeeday oo aad u kacsan, maadaama dilkiisa la sheegayo inay ciidanku geysteen.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed