|

Guddoomiye Muuse Biixi Oo Maanta Si Gaar ah Ula Kulmaya Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye

Hargeysa:14-Dec-2013(SDN)-Guddida qabanqaabada shirweynaha Kulmiye, ayaa lagu wadaa inay maanta  shir gaar ah la yeeshaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Cabdi.

qabanqaaboGuddida qabanqaabada oo maalintii shalay madaxda xisbiga  kulan kale la yeelatay, ayaa gudageli doona hawshooda qabanqaabada shirweynaha, maadaama haatan wax toban cisho ka yari ay ka hadhsan tahay xilligii loo muddeeyey shirweynaha xisbiga.

Guddoomiye Muuse Biixi oo markii Guddidan lagu dhawaaqayey aan raalli ka ahayn, ayaa markii dambe garwaaqsaday inuu iska aqbalo, waxana  kulankoodan maantu uu daarran yahay sidii uu guddidan u siin lahaa kalsooni ay shirweynaha ku gudogalaan.

Samaynta guddidan ayaa markii hore xisbiga ku keentay kala qaybsanaan baahsan, waxase markii dambe la isla gartay inaan  waxba laga Beddelin xubnahaas, maadaama ay aqlabiyad isku doorteen, beddelkooduna uu hantaaqo ku yahay dimuqraaddiyada xisbigu uu ku faano.

 

Kulankan ay maanta yeelan dooonaan Guddoomiyaha iyo Guddida qabanqaabadu ayaan la garanayn meesha uu ka dhici doono, balse waxa la hubaa inuu guddoomiyuhu kulankan u sahansaday meel gaar ah oo aan cagtu ku badnayd, maadaama uu  ku talo jiro inuu qoddobo xaasaasi ah  la qaadaa-dho, taasna aanu ogolayn in cid kale maqasho.

 

Shirweynaha xisbiga kulmiye ayaa  qorshihiisu ahaa inuu qabsoomo dhammaadka bishan December ee aynu ku jirno, waxase muuqata inay wali jiraan qabyooyin badan oo caqabad ku noqon kara shirweynuhu.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed