|

Xarunta Wargayska Hubaal oo ay Ciidamada sida Gaarka ah u Tababaran ee RRU la Wareegeen iyo Sababaha keenay

Hargaysa 13.Dec 2013 (SDN)- Ciiddamada gaarka u tababaran ee loo yaqaano RRU ayaa goor-dhaweyd la wareegay Xarunta Wargeyska HUBAAL ee ka soo baxa Magaaladda Hargeysa,kuwaas oo la sheegay inay guddaha u galeen Xarunta Wargeyska, isla-markaana waxyeelo gaadhsiiyay Agabkii yeelay Xafiiska ee Wargeysku ku shaqeeyo.

Afar baabuur oo ku hubaysan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Reer Galbeedku maal-geliyaan ayaa galabta galay Xarunta Wargeyska Hubaal galay iyagoo baadi doonaya masuuliyiinta hase yeeshee muddo markii ay joogeen ayay kaxaysteen lab aka mid ah shaqaalaha Wargeyskaasi.

Ciidamadda ayaa xidhay koonayaasha xaruntaasi oo ku taala Xaafadda Goljano, waxaanay mudadii ay hawgalka ku jireen ay xayireen dhaqdhaqaaqii dadka shicibka ahaa ee mari jiray dariiqa hor mara wargeyskaasi.

Gudoomiyaha Wargeysaka Hubaal Maxamed  Axmed Jaamac Caloolay oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay ayaa Sheegay in ciidamadu ay goobtaasi ka Kaxeeyeen una dhaadhicayay xabsiga laba kamid ahaa dadkii wakhtigaasi ku sugnaa xarunta walow uu gudoomiyhuu aanu cadaynin magacyada dadkaasi La xidh xidhay

RRU2-618x4121-300x200Wargeyska HUBAAL ayaa waxa lix bilood ka hor goor habeenimo ah weerar ku qaaday laba Nin oo Hubasayn, kaas oo midi baxsaday kii kalena ay gacanta ku dhigen Shaqaalaha Wargeysku, waxaana uu dhaac gadhsiiyay Guddoomiyaha Wargeyskaasi Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), iyadda oo markii dambe ay Xisbiga loo taxaabay, balse muddo ka dib la sheegay in damiin ahaan lagu sii dayay.

Wargeyska HUBAAL ayaa ka mid ah Wargeyadda aragtidda dheer ee Qalin qoraalka ku soo bandhiga dhaliilaha iyo Fadeexadaha Siyaasadeed ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku talaabsatay muddadii taladda ay haysay, iyadda oo dhawaana xukun lagu riday markii Xukuumaddu xayiraad saartay Tifaftiraha Wargeyska iyo Guddoomiyaha Wargeykaasi.

Shalay ayuu Wargeysku baahityay war ku saabsan khilaaf uu sheegay inuu u dhexeeyo Hogaanka Booliska Somaliland, waxaana dad goob-joogayaal ahi ay  sheegeen in Ciiddamadda RRU-du ay Xibsiga u taxaabeen laba ka mid ah Shaqaalaha Wargeyska, kuwaas oo magacayadoodu ay kala yihiin Mustafe Maxamed Cabdilaahi iyo Cismaan Axmed Cismaan.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa muddo 3 Sanood iyo badh taladda haysay ayaa waxa cabudhin ku haysaa Saxaafadda Madaxbanaan, iyadda oo xabsiga dhigtay Wariyayaal ka hawl-gala Saxaafada Madaxabanaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed