“Maamulka koonfur galbeed wuxuu noqon doonaa saddex gobol” Shariif Xasan Sheekh Aadan
Baydhaba 13.Dec 2013 (SDN)- Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in xildhibaanno iyo aqoonyahannada ka soo jeeda gobollada Koonfureed ay isla garteen maamul goboleedka koofur galbeed lagu soo kobo saddexda gobol ee kala ah Baay, Bakool iyo shabeellaha hoose.
Shariif Xasan ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in uu rajo weyn ka qabo in arrintaasi la isku raaci doonoShariif Xasan ayaa sheegay in dowladda federaalku aysan aqoonsan doonin maamul goboleed ka kooban lix gobol maadaama saddex gobol ee Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo ay ku aqoontahay maamulka ku meel gaarka ee Jubba.
Dhinaca kale xildhibaannada kala ah Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoob) iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa weli ku adkaynaya in maamul goboleedka koonfur galbeed laga dhisi doono lix gobol.
Baydhaba SDN.
Qurbejoog.com