|

Dawlada Kenya oo beenisay xog ay Booliska NY ku sheegeen in ragii weeraray Westgate ay baxsadeen

Nairobi Dec 13,2013(SDN)-Afhayeen u hadlay ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixin ay Talaadadii shaaciyeen Booliska NY oo ay ku sheegeen in ragii weeraray Westgate Mall ay dhici kareyso in ay baxsadeen.

Maj.Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in la hayo meydka afartii nin ee weerarka ku qaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall.

Maj. Chirchir ayaa sheegay in aaney ciidamada Booliska ee magaalada NY aaney qeyb ka aheyn ciidamadii caalemiga ahaa ee baaritaanka ka sameeyay Westgate.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay u soo baxday in ay dhici kareyso in ragii weeraray Westgate ay baxsadeen ka dib kolkii ay ciidamada Kenya ku guul dareysteen in ay sugaan goobta weerarku ka dhacay.

Maj.Chirchir ayaa sheegay ciidamada Booliska ee NY ay xogta ka heleen cid kale oo aaney iyagu waxba kala socon baaritaanka.

Ciidamada Kenya ayaan ilaa iyo haatan soo bandhigin xogo sugan oo ka soo baxay baaritaanadii socday sadexdii bilood ee ka danbeeyay weerarka.

Waana sababtaas ta dad badani haatan u aaminsan yihiin in ciidamada amaanka Kenya ay ku fashilmeen baaritaanka.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed