|

Magaalada Kismaayo Oo Xalay Lagu Dilay Sarkaal Ka Tirsan Maamulka Jubba-land

Kismayo:13-Dec-2013(SDN)-Sida ay sheegayaan  wararka ka Imanaya Magaalada Kismayo ee  Xarunta Ismaamulka Jubba-land, waxa Habeenkii xalay halkaas lagu dilay sarkaal ka tirsan Maamulka Halkaas ka arrimiya.

BASTOLADRag hubeysan, ayaa waxay Sarkaalkan ku dishay ilinka hore ee hoygiisa, xilli la sheegay in uu soo fadhiistay, kadib markii Salaaddii Maqrib uu ku soo tukaday Masaajid u dhow hoygiisa, oo ku yaala Xaafadda Calanley.

 

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Col. Cabdi Madoobe, ayaa waxaa dishay rag aan la garanayn, kuwaa oo dilka kadib isaga baxsaday meeshii ay ku dileen.

 

Ciidamada Maamulka Jubba, waxay xalay Magaalada Kismaayo ka Bilaabeen hawlgalo ku aadan, raggii hubeysnaa ee geystay dilkii lagu khaarajiyay Col. Cabdi Madoobe, walise cid wax ku cadyihiin ma ay soo qabanin.

 

Waxaa jira tiro rag ah oo loo soo qab qabtay dilka Sarkaalkan, kuwaas oo wax laga weydiinaayo waxa ay ka ogyihiin dilka marxuum Cabdi Madoobe.

 

Maxamed Cabdi Buule, Taliyaha Saldhiga Booliska ee Kismaayo, oo si kooban uga hadlay dilka Sarkaalkan iyo hawlgalka ka dhashay, ayaan cidina ku eedayn,  isagoo tilmaamay inay faah faahin ka bixin doonaan, marka hawlgalada la soo gaba gabeeyo.

 

Sarkaalka xalay la dilay, ayaa aad ugu dhawaa Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo hal habeen kahor Sarkaalkii lagu dilay Suuqa Aargada, uu isna aad ugu dhawaa Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud.

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed