Shil Dhimasho iyo Dhaawac Badan Keenay Oo Ka Dhacay Deegaanka Qoyta
Qoyta:;10-Dec-2013(SDN)-Inta la Ogyahay Afar Ruux ayaa ku Geeriyooday markii Laba Gaadhi oo dad Rakaab ah sidaa ay isku dhaceen Deegaanka Magaalada Qoyta oo Dhinaca Galbeed kaga Beegan Magaalada Burco.
Gawaadhidan oo Noocoodu ahaa Noha, ayaa sidoo kale la sheegay inay Tiro kale oo dad badani ahi ku dhaawacmeen, iyadoo dhibkaasina dhacay shalay casarkii Gaabnaa.
Dad badan oo dhaawac ah ayaa la keenay cisbitaalka Magaalada Burco, waxana haatan lagu daweynayaa halkaas, iyadoo laga dayrinayo xaaladda adeegga halkaas ka jira oo aan la tacaali Karin xaaladaha noocan oo kale ah.
Shilalka noocan oo kale ah ayaa noqday qaar joogto ka ah Waddooyinka u dhaxeeya Hargeysa iyo Burco, waxana wali loo caal la’yahay mushkiladaha ay abuurayaan Gaadiidka Halkaas maraya oo ay isku darsantay waddo xumo iyo masuuliyad darro dhinaca darawalada ah oo oo loo nisbeeyey dhinaca khibradda iyo waayo aragnimadooda oo aad u liidata.
S.D.N