Dil ka dhacay Magaalada Beledweyne iyo Mudaharaad lagaga Cadhaysnaa oo Magaaladaas Gil Gilay
BeledWeyne 09.Dec 2013 (SDN)- Dibadbax ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaddib dil xalay magaalada loogu gaystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kaas oo lagu magacaabi jiray Kornayl Xaashi Xuseen Diiriiye.
Dibadbaxayaasha ayaa ka caraysnaa dilka sarkaalka oo la sheegay inay gaysteen askar ka tirsan ciidanka milateriga.
Dibadbaxa ayaa sababay in albaabbada la isugu dhufto goobaha ganacsiga iyo inuu hakad ku yimaado isu socodka dadka iyo gaadiidka. Dadka mudahaaradka dhigayay ayaa dalbanayay in caddaaladda la hor keeno gacan ku dhiiglayaasha.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la xiray qaar ka tirsan askartii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen dilka.
Beledweyne SDN.
Qurbejoog.com