Danjirayaasha Somalia u fadhiyi doona Masar iyo Jarmalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka Gudoomay Waraaqihii Aqoonsigooda
Muqdisho 09.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee ay dowladaha Masar iyo Jarmalka u soo magacaabeen Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlay safiirrada cusub xoojinta xiriirka waddamadooda ay la leeyihiin Soomaaliya.
Safiirka waddanka Jarmalka ee Soomaaliya Mr. Andreas Peschke ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhaxeeya Jarmalka iyo Soomaaliya iyo sidii Jarmalka uu uga qeyb-qaadan lahaa dadaallada horumarka ee ka socda Soomaaliya.
Sidoo kale, safiirka dowladda Masar ay u soo magacowday Soomaaliya Maxamuud Maxamed Coof ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee uu madaxweynaha uga guddoomay waraaqaha aqoonsiga.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com