Dalada Mucaaridka Jabuuti oo Siyaasi Xuseen Cabdiraxmaan Jaamac Cadhoole u magacawday Wakiilkooda Canada
Ottawa Dec 09,2013(SDN)-Dalada Mucaaridka Jamhuuriyada Jabuuti ee USN ayaa waxa ay magacawday wakiilo u kala fadhiyi doona dalalka Canada, Britain iyo France.
Qoraal ay soo saartay dalada USN ayaa lagu sheegay in Siyaasiga Xuseen Cabdiraxmaan Jaamac Cadhoole loogu magacaabay in uu wakiil ka noqdo dalka Canada.
Siyaasi Xuseen ayaa mudo dheer dalkan Canada ka waday abaabul isbedel dhab ah oo dalka Jamhuuriyada Jabuuti ka dhaca.
Siyaasi Xuseen Cadhoole oo Kaashanaya xubnaha Mucaaridka ah ee dalkan Canada ku nool ayaa waxa uu abaabulay in madaxda sare ee mucaaridka Jabuuti booqasho ku yimaadaan Canada.
Sidoo kale waxa Siyaasigu uu marar badan abaabulay isu soo baxyo,siminaaro iyo kulamo looga hadlayo xaaladahii kala duwanaa ee uu dalka Jabuuti soo maray tobankii sano ee u danbeeyay.
In badan oo ka mid ah Jaaliyada reer Jabuuti ee ku nool Canada oo nala soo xiriirayna waxa ay inoo sheegeen in ay soo dhaweynayaan magacaabida Xusen Cabdiraxmaan oo ay ku tilmaameen Mucaarid nooca wax dhisa.
Waxaaney naga codsadeen in ay ahmbalyo ina gaarsiiyaan Siyaasigan Da’ada yar ee Firfircoon,waxaaney eebe uga baryeen in uu xilkaa muga leh u sakhiro.
Si kastaba ha ahaatee dalka Canada ayaa haatan ah dalalka ay mucaaridka xukuumada Jabuuti ugu itaalka roon yihiin.
Magacaabida wakiil ay dalada USN Canada ku yeelatona waxa ay sii anba qaadi doontaa dedaalada is-bedel doonka Jabuuti ee Qurbaha.
SDN-Ottawa
contact@somalidiasporanews.com