|

Cabdiraxmaan Seylici oo Cukuse ka aargoostay sanad ka dib

Hargeysa Dec 09,2013(SDN)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa mudo dheer uurka ugu hayay dareen aargoosi Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Somaliland Md Cabdulaahi Daahir Cukuse.

Cukuse ayaa xiligii uu ahaa Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland waxa khilaafyo dhawr ahaa oo soo dhexmaray wasiirka Madaxtooyada iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu la saftay Wasiirka Madaxtooyada.

Khilaafyadaa oo qaar badan oo ka mid ah aan weli la xalin ayaa sababay tiraba dhawr jeer in madaxweyne  ku-xigeenka Somaliland uu ku sigto in uu is-casilo.

Hadaba kolkii uu todobaadkii hore Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Cabdulahi Cukuse uu shaqadii ka joojiyay maareeyaha TV-ga Somaliland Md Gaas ayaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland u arkay fursad aargoosi oo uu mudo sugayay.

Madaxweyne ku-xigeenka oo xiligaa ahaa ku simaha madaxweynaha ayaa shakhsiyan maareeyaha ugu soo kexeeyay xarunta Wasaarada Warfaafinta ee uu wasiir Cukuse ka mamnuucay.

Si kastaba ha ahaatee waxa haatan walaac soo wejahay tiro wasiiro ah oo hore godobyo kuwa Cukuse ka galay Md Cabdiraxmaan Saylici qudhoodu hore u galay.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed